Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo Isimada SSC ka aqbalay dhex-dhexaadinta isaga iyo mucaaridka

Recommended Posts

Deeq A.   
odayaasha.jpg?resize=720%2C540&ssl=1

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka SSC-khaatumo oo Garoowe ku sugan ayaa xalay kulan la yeeshay madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Isimada SSC ayaa ku hawllan dhex-dhexaadinta xukuumadda Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah ee ku muransan arrimaha doorashada Puntland ee 2024.

Madaxweynaha isimada ayaa sida wararku sheegayaan ka wada-hadlay xal u raadinta khilaafka siyaasadeed ee ka taagan nooca loo qabanayo doorashada madaxtinimada Puntland.

Wararka ayaa intaas ku daraya in madaxweyne Deni uu isimada SSC ka aqbalay dhex-dhexaadinta ay wadaan, islamarkaana u sheegay in uu diyaar u yahay wada-hadal, si loo xalliyo xiisadda taagan ee ka dhalatay muranka doorashada.

Dhinaca kale, isimada SSC ayaa maanta lagu wadaa in ay shir la yeeshaan dallada ay ku midaysan yihiin siyaasiyiinta mucaaridka ah, oo ay ka wada-hadlayaan sidii loo dhammayn lahaa khilaafka jira.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo Isimada SSC ka aqbalay dhex-dhexaadinta isaga iyo mucaaridka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this