Sign in to follow this  
Deeq A.

Heshiiskii lagu soo Afjaray Khilaafkii Doorashooyinka Somaliland oo qarka u Saaran inuu Burburo

Recommended Posts

Deeq A.   

Heshiiskii lagu soo Afjaray Khilaafkii Doorashooyinka Somaliland oo qarka u Saaran inuu Burburo

Heshiiskii lagu soo afjaray khilaafkii doirashooyinka ayaa u muuqda inuu burburayo.kadib markii Guurtiddu ay jiitan ka gashay xeerka doorashooyinka isa saarka ah ee ay hore golaha Wakiilladu aqlabiyada culus ku ansuxiyeen.

Heshiiskaas oo ay soo jeediyeen guddida salaadiinta bariga Burco, waxase heshiiskaasi qarka u saaran yahay inuu burburo. Maadaama oo guddidii Guurtidu u saartay inay soo naaqishtaa ay gacanta ku sii hayn diinaan bil kale.

Taasina ay tahay carqalad hor leh oo dib u sii dhigi karta doirashooyinkii muddaysnaa inay qabsoomaan 13ka November 2024ka.

Xisbiga mucaaridka ah ee WAADDANI ayaa tallaabada Guurtidda ku sifeeyay mid xukuumaddu ka dambayso oo lagu mijo xaabinayo doirashooyinka, waxayna sheegeen in xukuumaddu xeerkan carqaladeyntiisa u adeegsatay xilsmdhibaanno ka tirsan Golaha Guurtidda.

Haddii aan xeerkaas degdeg loo meelmarin, waxay sababi kartaa khilaaf weyn oo siyaasiya oo aanu dalku qaadi karin xiligan, waxana dib u istaadhmi kara jabhadihii buurta gacanlibaax ee dhawaan go’aamadii heshiiska lagu kala diray.

Ugu dambayn waxa daruuri ah in xukuumaddu mowqifkeeda caddayso oo ay golaha Guurtidda ku booriyaan meelmarinta xeerkan maadaama oo Xukuumadda iyo Golaha Guurtiddu ay yihiin qaar aad isugu dhaw.

Sidoo kale madax dhaqameedka beesha bariga Burco ayaa looga fadhiyaa inay sidii ay hore u sheegeen dabogalayaan habsami u socodka qoddobadii ay soo saareen, fartana ku fiiqaan cidda lugta haysa xeerka doorashada oo sees u ah inay doorashooyinka madaxtooyada iyo ururrada siyaasaddu ka qabsoomaan dalka.

Xuseen Xasan Salah

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this