Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasimaha Sanduuqa Dhallinyarada oo Addis ababa oo Kula Kulmay Shirkado Ganacsi

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis ababa(Qaran news)- Agaasimaha fulinta Sanduuqa Horumarinta Dhalinyaradda Somaliland Mudane Khadar Ibraahim Maxamed oo ku sugan Caasimada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa kulamo kala duwan la yeeshay agaasimayaasha guud ee Machadka Horumarinta Halbuurka Ganacsiga Ethiopia (Entrepreneurship Development Institute- Ethiopia) Dr. Hassan Hussein iyo xarunta xirfadaha (Centre of excellence for Engineer) Eng. Handiso Selamu.

Agaasimaha Sanduuqa Hormarinta Dhalinyarada Somaliland iyo masuuliyiinta uu la kulamay waxay ka wada hadleen iskaashi dhexmara labada dhinac oo ku saabsan horumarinta hal-buurada ganacsiyada, Cilmi baadhista iyo kobcinta xirafadaha shaqo abuurka dhalinyarada.

Gunaanadkii Labada dhinac waxay isla qaateen in kulamo joogta ah oo iskaashiga lagu xoojinayo la joogteeyo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this