Sign in to follow this  
General Duke

Kismayu: courts vacate Buaale Afmadow..

Recommended Posts

Ciidamada Col. Barre Hiiraale oo ku duulay Gobalada Jubbooyinka & Ciidamada Maxaakimta oo dib ugasoo gurtay deegaanada Bu'aale & Afmadow.

Posted to the Web Oct 08, 07:19

 

 

Baardheere-Wararka laga helayo Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo xad dhaaf ah oo taabacsan Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) ay u weerar tageen gobalada Jubooyinka oo ay dhawaan gacanta ku dhigeen Golaha Maxkamadaha islaamka.

 

 

Ciidamadan oo aan tiradooda si dhab ah loo ogeyn ayaa u ruqaansaday fiidnimadii xalay dhanka Deegaanada Bu’aale iyo Saakow oo ay haatan ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Golaha maxkamadaha.

 

 

Cishooyinkii ugu dambeeyey ayaa Wasiirka Gaashaandhiga, col. Hiiraale waxa uu waday abaabul ciidan kii ugu xooganaa oo uu ku doonayo inuu dib ugu qabsado magaalada Kismaayo iyo guud ahaan Gobalada Jubooyinka ee ay maxkamadaha qabsadeen 25-kii bishii tagtay.

 

 

Dhanka kale Deegaanada Bu’aale iyo Afmadow ayaa warar is khilaafsan waxa ay ku waramayaan in ciidamadii maxaakimta ay dib ugasoo gurteen ka dib markii ay ka warheleen in ciidamo ka xoog badan ay kusoo wajahan yihiin, sida la sheegay.

 

 

Dagaal qaraar oo ka dhex qarxa Maxaakimta islaamka iyo ciidamada col. Barre Hiiraale ayaa ah mid daqiiqad kasta la filan karayo,iyadoona dadka deegaanka ay wadnaha farta ku hayaan, islamarkaana aanu iminka haysan meel ay cagta saaraan ka dib markii si aad ah loo xakameeyey xadka Kenya iyo Soomaaliya.

 

 

C/risaaq C/laahi Maxamed

Puntlandonline.com

 

 

Muqdisho

 

 

Indhojaceel2003@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Barre's right hand Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig, and one of the former Co-Chairmans of the JVA Abdirahman Waldiire are to be praised for their campaign of heart and mind towards their people.

 

There will not be a clan war as wanted to make the objectives of others easier.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this