Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumada Somaliland oo ka hadashay dagaal ka socda deegaanka Buqdharkayn ee gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in dagaalka saaka ka dhacay deegaanka Yayle ee gobolka Sool, uu yahay mid loola jeedo in lagu dajiyo xaalada siyaasadeed ee Puntland

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Maxamed Xasan Cali Mareexaan, ayaa sheegay in Garaadada Laascaanood, oo qaar kood ku suganyihiin Garoowe ay amreen dagaalka saaka si loo jiheeyo shacabka iyo siyaasiyiinta Puntland.

“Saaka dagaal baa laydinku soo qaaday, weerarka waxa amarkiisa bixiyay guddida garaadada ah ee Laascaanood ka tagay ee Garoowe jooga, sababtay u bixiyeena waxa weeyaan, buuqa iyo qaylada Garoowe ka taagan in ay ku damiyaan ayay rabaan intay dadkooda dagaal galiyaan” ayuu yidhi Cali Maxareexaan.

Wasiirku waxa uu bulshada ugu baaqay in ay isdifaacaan iyaga oo midaysan, isaga oo sheegay in dagaalku yahay mid xaalada Puntland ka taagan lagu dajinayo.

Dhinaca kalena xukuumada oo dagaalka warsaxaafadeed kasoo saartay, ayaa sheegtay in kooxo argagixiso ah iyo ciidanka Puntland ay soo weerareen ciidankeeda, isla markaana ay si xoogle iskaga difaaceen.

Waxaa saaka soo weeray dadka shacabka ah ee degaanka Buq-dharkayn ee Gobolka Sool, Kooxda Argagixisada ah, Huwanta ka Dagaalanta Bariga Magaalada Laascaanood iyo Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaliya.

Dadka degaanka Buq-dharkayn oo gacan ka helaya Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxay gaadhsiiyeen  kooxaha Huwanta iyo argagixisada khasaare aad u wayn waxayna ku dhufteen dhirbaaxo kulul.

Kooxaha Huwanta ah ayaa caaddaystay in ay weeraro joogto ah ku soo qaadaan dadka shacabka ah ee degaanada Buq-dharkayn iyo Qorilugud.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaadayaan tallaabooyin aanay mahadin doonin cadawga soo duulay,waxayna difaacayaan karamada iyo sharafta dadkooda shacabka ah.

Dagaal xoogan oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo aan laga warhayn in uu hadda istaagay iyo inkale, ayaa saaka subixii hore ka qarxay deegaanka Yayle ee gobolka Sool

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this