Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii hore ee warfaafinta oo ka hadlay Dhaliilaha loo Jeediyo Warbaahinta Dawladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirkii hore ee warfaafinta oo ka hadlay Dhaliilaha loo Jeediyo Warbaahinta Dawladda

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta ahna Wasiirka Wasaaradda horumarinta biyaha Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa ka hadlay hannaanka ay u shaqeyso Warbaahinta Dawladdu

“Wasaaradda afar waaxood ayaa aad uga shaqeeya halbowlena u ah warbaahinta, waa Telefishanka Qaranka, Radio Hargeysa, Wakaalada wararka iyo Wargeyska Dawan.
Waa run dadku way cannaantaan warbaahinta Qaranka, waxa la yidhaahda meelaha dayacaayadaha kuwa kale gaadhsiiyaan wasaaraddu ma gaadhsiiso, haa ma gaadhsiin karto, wasaaraddu cidna ma caydo beena masheegto,” ayuu yidhi Wasiir Koore.

Isagoo hadslkiisa sii watayna wuxuu yidhi “Waa Warbaahintii Qaranka, reer hebela kama sheekayso, cidna ma caydo, dadku waxay doonayaana waa qof qof caayaa, balse hadday barnaamij tahay iyo hadday tayo tahayba iyo haddii ay wax soo saar tahayba iyo haddii ay bulshada hagisteeda tahayba intaba way ku fiican tahay, warbaahinta Qarankana qabiil qabiil kale caayaya lama gayn karo.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this