Deeq A. Posted November 22, 2023 Gudoomiyaha golaha guurtida oo Eedeeyay Golaha Wakiillada Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Golaha Wakiillada ku eedeeyay inay Xeerar kale ku soo dareen Xeerka guud ee Doorashooyinka. Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, oo ka xumaaday buuq iyo sawaxan ka dhashay muddo kordhin loo sameynayay guddida soo naaqishaada Xeerarka doorashooyinka Qaranka, ayaa si caddho leh u sheegay in golaha wakiilladu ay soo khalkhaliyeen xeerarka isa saarka doorashooyinka. Guddoomiye Saleebaan waxa uu intaas ku daray inay ku soo dareen 110 xeer oo cusub kuwaas oo aan shaqo ku lahayn labadan xeer. “Xeerkan waxa soo qasay golaha kale, way heereen, 110 xeer oo kale ayay ku soo dareen, oo wada cusub, way qushqusheen xeerkii, hadda waxa aynu yeelanayna Xildhibaan Xareed iyo guddida bisha ku soo dhammeeya guddidu qabsaday,. Xeerku goluhu u yaale, qayb iyo saddex iyo laba midna uma yaalo, wixii golahaasi ka yeelo ayaa laga yeelayaa,”ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan. Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay inuu Sabtida u baxayo dalka dibadiisa, wuxuuna yidhi “Anigu hawl caafimaad ayaan Sabtida u baxaya, ma joogo Sabtida, waad isku filan tihiin, guddoomiye Siciid wuu ku filan yahay, ina Sheekh Ibraahina wuu kaabi doona, xoghayihiina wuu jooga.” Qaran News Share this post Link to post Share on other sites