Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI oo Xukuumadda ku Eedeeyay inay Carqaladeynayso Xeerka Doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga WADDANI oo Xukuumadda ku Eedeeyay inay Carqaladeynayso Xeerka Doorashooyinka

Hargeysa(Qaran news)- Afhayeenka Xisbiga WADDANI Maxamed Faarax Cabdi ayaa ku eedeeyay Xukuumadda inay faro gelin ku hayso xeerka doorashooyinka isa saarka ah ee ay gacanta ku hayaan Golaha Guurtiddu.

Afhayeenka WADDANI wuxuu sheegay in xukuumaddu aanay doonayn doorashooyinka, sidaas darteedna ay ka galgalanayso sidii ay ugu qarin lahayd wax uu ku tilmaamay fashilkeeda guud.

Maxamed Fasrax Cabdi wuxuu intas ku daray in haddii Xukuumaddu daacad ka tahay xeerkan ay Guurtiddu meel marin lahayd isla maalintii uu soo gaadhay.

Waxaanu carrabka ku dhuftay in xukuumaddu soo dhex martay xildhibaanno ka tirsan Guurtidda si ay u carqaladeyso xeerka doorashooyinka isa saarka ah oo uu tilmaamay in si aqooni ka muuqatay ay uga soo shaqeeyen Golaha Wakiilladu; iyadoo uu ku dooday in shacbiguna soo dhaweeyay xeerkaas oo la waafajiyay waan-waantii lagu soo afjaray khilaafkii ka dhashay doorashooyinka.

“Xeerka doorashooyinka ee ummadda Somaliland indhaha ku hayso wixii caqabad ka yimaadda waxa masuuliyadda leh Golaha Guurtidda iyo Xukumadda oo faraha kula jirta,” ayuu yidhi
Afhayeenka Xisbiga WADDANI Maxamed Faarax Cabdi.

Waxa kaloo uu sheegay in golaha guurtiddu marxalado adag ay dalka ka soo saareen; hase ahaatee inamada aqoonimada ku soo galay ay golihii ka dhigeen mid looga baqo iyaga.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this