Sign in to follow this  
Deeq A.

25 sano kadib musharax Mashruuc oo taabtay boogaha aan laga hadlin ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Mashruuc.jpeg?fit=1024%2C682&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland waxaa ka socda ololaha madaxtinimada, kaas oo weli jidka loo qaadayo. nooca doorasho ee loo galayo iyo waqtiga aan la’isku raacsaneyn ay taagan tahay.

Madaxtootada waxa ay dooneysaa in markii ugu horreysay Puntland ka dhacdo doorasho dadweyne oo daah-furan taas oo dadka Puntland rabitaankooda si xor ah oo xalaal ah ugu doortaan cidda mas’uuliyaddooda ay u dhiibanayaan.

Mucaaradka hubeysan dhankooda waxa ay rabaaan doorasho dadban oo oday dhaqameedka kaligiis uu go’aan ka gaaro, nooca doorashadana waa mid ay Puntland kusoo dhaqmeysay 25 kii sanno ee ina dhaafay, taas oo mucaarad iyo muxaafadba isku raacsan yihiin in aysan ahayn rugsan oo lagu sii nagaan karo, hayeeshii ay isku haystaan jidaha looga hayaamayo.

Dhinacyada doorashada isku hayo ee muxaafadka iyo mucaaradka aragti ahaan waxa ay iibinayaan tartan loo galo doorasho madaxtinimo waxa ay isku raacsan yihiin in xukunka la qabsado, balse ma jiro mucaarad isbeddal doon ah oo iibgeynaya dood taabaneysa jiritaanka Puntland, jihada ay aadeyso 25 sano kadib halka ay joogto inay u qalanto iyo su’aalaha waa weyn ee ka dhalanaya, llaa iyo hadda inta ay Puntland jirtay waxa taabagalka noqday.

Inta badan musharixiinta mucaaradka ah lama imaan wax ka beddalan ii dhehdii siyaasadeed ee dadka Puntland 25k-kii gu’ ee lasoo dhaafay ay dhageysanayeen marka laga reebo siyaasi Maxamuud Mashruuc oo olole ka miisaan sarreeya kuwa dhiggiisa mucaaradka ka daah-furay Boosaaso.

Mashruuc ololaha billowgiisa kuma mashquulin inuu dhaliilo madaxda xukunka joogta waxa uu barnaamijkiisa siyaasadeed ugu wan-qalay aragtiyo leh hal-beegyo iyo tixraacyo la garan karo halka loo wajahan yahay ama uu ku socdo.

Mashruuc wuxuu toos ula hadlay dhagaha dadweynaha Puntland, waxa uuna ifiyay halka ay Puntland ka kici la’dahay inay tahay siyaasad fashilan oo aan lahayn aragti hoggaamineed la aqoon waxa uu ka shaqeynayo siyaasigu, Puntlandna ka dhigto hoy xaafadeed, taas oo ugu dambeyntii sababta in dadka Puntland ay dhibaatooyin waa weyn ay soo gaaraan.

Tusaalayaal dhowr ayuu Mashruuc afka ku dhuftay inta uu dooddiisa waday, waxa uu sheegay in Puntland aysan lahayn aragti amni. Ma jiro mashruuc siyaasadeed oo ilaalinaya badqabka iyo nolosha dadka deegaanka, cabsida ugu badan waa in dowladda ay iyada dhasho falalka amni darro, sidaas oo kale hoggaamiyeyaasha xukunka yimaada ay ka tagaan boqlaal Janaraal oo dhibaato ku ah amniga waddanka.

Hadalka Mashruuc iyo xaqaaiqa maanta ka taagan Puntland ayaa u muuqda kuwa isa Sawiraya, Mashruuc wuxuu hadalkan ka jeediyay madal siyaasadeed oo aqoonyahanka iyo waxgaradka Boosaaso ay su’aallo furan ku weydiiyeen.

Waa musharraxii koowaad oo si toos ah uga jawaabay su’aalaha waa weyn ee ku wajahan mustaqbalka Puntland, halka Mashruuc waxa uu kusoo aaday, ayada oo dadka Puntland ay is weydiinayaan 25 sanno kadib xagee loo socdaa? maxaa lasoo qabtay? maxaa uun doorasho loo aadaa haddii aanan isbeddal dhaceyn? iyo kun su’aalood oo mustaqbalka Puntland taabanaya cid uga jawaabtana aysan helin.

Jawaabaha su’aalahaas waxaa loo arkaa in uusan jirin siyaasi sida Mashruuc qorshe uga leeyahay usoo bandhigay dariiqa uu aaday ee ah taabashada boogaha Puntland iyo xalkoodaba, waxay tani ka dhigeysaa Maxamuud Mashruuc inuu ku jiro qaanad gooni ah oo ka duwan dhammaan musharrixiinta kale xilkan orodka ugu jira, ayada oo yoolkooda uu yahay waa xariggii iyo kalkii reerkeena ama tareysiga saddex xagalka xukunka.

Dadka siyaasadda Puntland aadka uga war haya marxaladda ay mareysana la socday 25-kii sanno ee lasoo dhaafay waxayn gelinayaan Mashruuc iyo barnaamijkiisa siyaasadeedba qaanadda isbeddal doonta tooska, laakiin sida uu isna u maareeyo, ugana dhigo mashruuc la wada leeyahay aragti ama siyaasad la wada xambaari karo dadka deegaanada oo dhana ay usoo wada joogsan karaan ayaa la eegayaa.

Waxaa dadka Puntland ay muddo is weydiinayeen Puntland la jiho iyo jid siyaasadeed in musharraxan uu si cad u taabanayo quluubta shacabka ayaa sharraxaad ka bixineysa in Puntland ay weli ku harsan yihiin siyaasiyiin halka ay maanta taallo Puntland, kana saari karo marxaladda isku midka ah ee soo taxnaa 25-tii sanno ee lasoo dhaafay, kaliyana magacyada xukunka la kala wareegay ay isbeddalayeen.

25 gu’ oo uu dhisan yahay maamulkaan ma jiro ciidan dowladeed oo la’isku raacsan yahay marka laga reebo ciidanka beelaha ee hubkoodii haysta saacad kasta qayb ka noqda nabad-gelyo darro dhacda, taas waa arrin ay iska qirsan yihiin shacabka deegaanada Puntland, laakiin marar badan siyaasiyiinta ay marar badan ka maquurtaan in xaqiiqada la sheego.

Garoowe caasimada Puntland ayay ahayd 25-kii sano ee lasoo dhaafay, saacadihii lasoo dhaafay boqolaal qoys ayaa ka barakacay wax kale maaha waa ciidan iyo hub lagu dhisay lacagta iyo canshuurta ay bixiyeen oo mar kale iyaga ay is dilkooda ka barakaceen.

Meelaha uu sida gaarka ah uga duwan yahay Mashruuc siyaasiyiinta kale waa inuu la kulmayo qaybaha bulshada, cabsina ka qabin nooca doorashada ee ay Puntland aadeyso, muujiyayna inuu yahay shaqsiga xambaarsan rajada isbeddalka mar uun ka dhaca, kuna mashquulsaneyn dagaal iyo xasilooni darro in lagu raadiyo.

Puntland waxaa hadda kusoo laabanaya su’aal ay adag tahay sida ay uga jawaabeyso oo ah inay Soomaaliya la dooneyso nidaamka federaalka oo dowladnimada daadajinaya xukunka in la qaybsada faraya, haddana dhinaca kale Puntland adeegga dowladnimada waxaa la rumeysan yahay inuu dhaafi la’yahay xeyndaabka Garoowe oo noqotay meel wax kasta dajisa aana u gudbin ugu yaraan tuulooyinka ku dhow dhow adeegyada aas aasiga ah.

Ugu dambeyn mowduuca uu u dhaqaaqay Maxamuud Mashruuc ayaa ah mid in badan dadka Puntland ka dhex guuxayay, balse la la’aa siyaasi xambaara oo leh aragti iibgaynta rajada shacabka Puntland ee ku aadalay xukunka aan dhaafsiisaneyn deerka ku dhammaaday gudaha darbiga, taas oo illaa iyo hadda dadka Puntland ay u yihiin dhibanaha ugu badan ee ay mar kasta kala kulmaan dhibaatooyin waa weyn oo xallintooda ay waqti badan qaadato.

10-kii sanno ee lasoo dhaafay Puntland gudaheeda waxaa ka dhacay dagaallo galaaftay boqolaal qof dhimashadood, kuwaas oo iilaa iyo hadda aan la’is weydiin, Puntlandna u diiwaangeliyay inay tahay meesha dhiigga uu yahay halka ugu hooseyso oo wax kasta inta la sameeyo laga gudbo, siyaasiga sameeyayna dib berri xukunka loogu boqro.

The post 25 sano kadib musharax Mashruuc oo taabtay boogaha aan laga hadlin ee Puntland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this