Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo ka socda jiidda Buq-dharkayn ee galbeedka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20231122_080729468.jpg?resize=720

Dagaal xooggan oo dhawr jiho ah ayaa saaka ka socda nawaaxiga Buq-dharkayn oo dhaca duleedka degaanka Yeyle.

Ciidamada Somaliland oo ay weheliyaan maleeshiyaad beelaysan ayaa saaka aroortii hore weerar dhawr jiho ah ku soo qaaday difaacyada hore ee ciidamada SSC-khaatumo.

Ciidamada SSC ayaa iska caabiyay maleeshiyaadka soo duulay waxaana halkaasi ka socda dagaal culus sida laga soo xigtay goob-joogayaal ku sugan degaanka Yeyle.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa laga soo sheegaya dagaalka inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin tirada khasaaraha labada dhinac.

PUNTLAND POST

The post Dagaal culus oo ka socda jiidda Buq-dharkayn ee galbeedka Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this