Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo Khamiista cod u qaadaya Wax-ka beddelka xeerka doorashooyinka qof iyo cod

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1700634769393.jpg?resize=720%2C48

Xildhibaannada Baarlamanka dowladda Puntland ayaa sida lagu wado Khamiista berri ah cod u qaadi doona wax-ka beddelka xeerka doorashooyinka qof iyo cod.

Guddi gaar ah oo Baarlamanka Puntland u xil-saaray ka shaqaynta xeerka doorashooyinka ayaa laga sugaya in ay xildhibaannada warbixintooda u jeediyaan, ka hor inta aysan bilaaban doodda wax-ka beddelka xeerka.

Xeerkan oo ay Baarlamanka u soo gudbisay xukuumadda madaxweyne Deni ayaa jihaynaya hannaanka doorashooyinka qof iyo cod, oo aan heshiis lagu ahayn, islamarkaana xiisad siyaasadeed ka taagan tahay.

Dowladda Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah ayaa ku muransan nooca loo galayo doorashada madaxtinimada 2024, iyadoo labada dhinac kala taagan yihiin nidaamka qof&cod iyo nidaamkii hore ee 66-da xildhibaan.

Sidoo kale, waxa socda dadaal ay hormuud u yihiin isimada dhaqanka SSC oo lagu dhex-dhexaadinayo xukuumadda Puntland iyo Mucaaridka, si looga baaqsado qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo Khamiista cod u qaadaya Wax-ka beddelka xeerka doorashooyinka qof iyo cod appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this