Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo maxaabiis iyo gaadiid dagaal saaka lagaga qabsaday dagaalka Buq-dharkayn

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20231122_113023717.jpg?resize=720

Warar dheeri ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo saaka ka qarxay jiidda Buq-dharkayn ee galbeedka gobolka Sool.

Dagaalka oo weli socda ayaa sida wararku sheegayaan ciidamada Somaliland lagaga qabsaday maxaabiis iyo gaadiid dagaal oo kala duwan.

Saraakiisha ciidamada SSC-khaatumo ayaa sheegay in ay iska caabiyay weerar Somaliland saaka ku soo qaaday difaacyadooda hore islamarkaana ka qabteen maxaabiis iyo gaadiid dagaal.

Muuqaallo laga duubay maxaabiista iyo gaadiidka laga qabsaday Somaliland ayaa sidoo kale lagu baahiyay baraha bulshada balse wax faahfaahin ah lagama helin khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca dagaalka.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo maxaabiis iyo gaadiid dagaal saaka lagaga qabsaday dagaalka Buq-dharkayn appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this