Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Koofur Afrika oo ansixiyay in la xidho safaaradda Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada waddanka Koonfur Afrika ayaa salaasadii u codeeyay in la xidho safaaradda Israa’iil ee Pretoria, lana joojiyo dhammaan xidhiidhkii diblamaasiyadeed ilaa laga gaadhayo xabbad-joojin dagaal Gaza.

Qaraarkan ayaa ah mid inta badan fulintiisu ay hortaal xukuumadda Madaxweyne Cyril Ramaphosa; iyada oo afhayeen u hadlay madaxtooyada uu sheegay in Ramaphosa “uu xusay inuu qaddariyo” qaraarka baarlamaanka ee ku saabsan xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Koonfur Afrika iyo Israa’iil, gaar ahaan maqaamka safaaradda.

“Madaxwaynaha iyo golaha wasiiradu waxay ku hawlan yihiin arrintan, taas oo weli ah fulinta mas’uuliyadda qaranka,” ayuu yidhi Vincent Magwenya.

Ramaphosa iyo saraakiisha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa si badheedh ah u dhaleeceeyay hoggaanka Israa’iil intii uu socday dagaalka Marinka Gaza, iyaga oo ugu baaqay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada inay baaritaan ku sameyso dambiyada dagaal ee suurtagalka ah.

Safaaradda Israa’iil markiiba kama jawaabin codsi ahaa inay ka hadasho arrintan.

Isniintii, safiirka Israa’iil ee Pretoria ayaa looga yeedhay Tel Aviv si uu wadatashi ula yeesho dowladdisa kahor codbixintan, taasoo salaasadii lagu ansixiyay codadka 248 xildhibaan, halka 91 xildhibaan ay diideen qaraarkan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this