Deeq A. Posted November 22, 2023 Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka KGM ah ee SSC-Khaatuma ayaa yeeshay taliye Boolis oo cusub kaas oo ka shaqeyn doono ammaanka maamulkaasi. Sarreeye Guuto Siyaad Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka SSC, kadib wareegto uu soo saaray hoggaamiye Cabdiqaadir Aw-Cali (Firdhiye). “Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mud. Cabdiqaadir Aw-Cali ayaa Sarreeye Guuto Siyaad Maxamuud Cabdiraxmaan u magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka SSC-Khaatumo” ayaa lagu yiri wareegtada. Sarreeye Guuto Siyaad Maxamuud ayaa ah khabiir iyo xeel-dheere Boolis oo kasoo shaqeeyay meelo kala duwan oo dalka mid ah. Hoggaamiyaha SSC-Khaatuma ayaa sidoo kale faray hay’adaha maamulkaas inay la shaqeeyaan taliyaha cusub, si uu u guto waajibaadka shaqo ee horyaalla. Sidoo kale wuxuu taliyaha cusub uu isna Eebbe uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday. SSC ayaa haatan ku jirta dhismaha hay’adaheeda kala duwan, maadaama dhawaan uun la dhisay, kadib dagaal culus oo ay la gashay ciidamada Somaliland. Wixii markaas ka dambeeyay waxay sidoo kale heshay aqoonsi ay siisay dowladda federaalka oo ku casuuntay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Si kastaba, maamulkan ayaa weli wajahaya xaalado adag oo ay ugu horreyso xiisadda kala dhexeysa Somaliland, maadaama uu weli dagaalka ka taagan yahay gobolka Sool.The post Maamulka SSC-Khaatuma oo yeeshay taliye Boolis appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites