Deeq A. Posted November 22, 2023 Qormo Taariikheed Oo uu Qoray Maxaned Abshir Muuse Jeneraal Maxamed Abshir Muuse oo ahaa Taliyihii ugu horreeyay ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed Maxamed Abshir Muuse wuxuu yidhi Sool iyo Sanaag iyo Buhoodle ma sheegan karno ismana qaadan karaan Putland waa gobolo Somaliland ka tirsan oo beelaha somaliland wada dagan yihiin ‘aragtidiisa oo beesha caalamku ayaana taageertay W.Q: Ahmed Said Nur Qaybta kowaad : Dhismihii Puntland, kaalintii isimada iyo aragtiyihii la isku khilaafay (1998) Aragtida labaad waxay ku salaysnayd in maamulka la dhisayaa ka koobnaado gobaladii la’ dhihi jiray waqooyi Bari Soomaaliya oo kala ahaa Bari, Nugaal iyo waqooyiga Mudug. Waxaana siyaasiyiinta aragtidaas qabay hormuud u ahaa Maxamed Abshir Muuse ilaahay ha u naxariistee isaga iyo intii kale oo dhimatayba. Wuxuuna igu yiri “adeer anagu ragayagii rabay in dhismaha maamulka lagu koobo sadex gobol maanaan diidanayn dadka ehelka ah isu imaatinkooda laakiin waxaa noo muuqaneyey waxyaabo kale oo laga yaabo inay dadku dareemaan muddo ka dib 30 illaa 40 sano ayuu xaajigu igu yiri” Sanadkii 2000 ayaan Maxamed Abshir kula kulmay Jabuuti isagoo markaas ka soo laabtay Hargaysa wuxuu ii sheegay inuu halkaas kula soo kulmay Maxamed Ibraahim Cigaal ayna is cafiyeen labadoodu maadaama lixdamaadkii loolan siyaasadeed uu mar dhexmaray wuxuu kaloo ii sheegay inay ka sheekeysteen sidii Soomaaliya xal loogu raadin lahaa. In kastoo Maxamed Abshir uu ka huleelay siyaasaddii Puntland dib damena uusan ugu soo noqon ilaa dhimashadiisii uu dalka Maraykanka ku dhintay Markii Puntland la dhisayey bulshada caalamku aad bay u diidanaayeen dhismaha Puntland oo Shan gobol ka kooban waxy la safnaayeen oo ay aragtidooda raacsanaayeen siyaasiyiintii aan qoramadii hore ku soo xusnay aragtidooda maxamed abshir oo ahayd in dhsimaha Puntland Saddex gobol lagu soo koobo. Waxaan xasuustaa inay wafdiyo badan dhowr goor ku yimaadeen oo iska soo daba noqdeen iyagoo dhiirinaya in dhismaha Puntland saddex gobol lagu koobo kana soo horjeeday in Sool, koonfurta Sanaag iyo Buuhoodle ka mid noqdaan Puntland. Deeqdii bulshada caalamku ay Puntland siinayeen xiligaas waxay ku koobeen saddexdii gobol oo Waqooyi Bari la isku oran jiray, iyagoo diiday inay gaarsiyaan gobalda kale oo ay u bixiyeen gobolo lagu muransan yahay, arrinkaasu muran badan buu ka dhex dhaliyey maamulkii markaas jirey iyo bulshada caalamka, murankaas oo ilaa hadda sii jira. Nidaamka putland aanu ka hana qaadin sool iyo sanaag wax micno leh Aragtidii abdilaahi yusuf iyo siyaasiyiinta kale ay isimadu ku raaceen ee ahayd sool iyo sanaag iyo buhoodle ka midnoqdaan putkand mid macno wayne ushaqaysay ma ah Qaran News Share this post Link to post Share on other sites