Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbullah oo duqeyn la beegsatay Saldhig militari ee Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Khasaare ayaa ka dhashay Gantaalo Xisbullah ku tuurtay mid kamid ah Saldhigyada Ciidamada Israa’iil ee u dhaw xaduuda dalka Lubnaan.

Duqeyntii Isniintii shalay ayaa ahayd tii ugu xoog badneyd ee Xisbullah la beegsato Israa’iil.

Saldhiga Militariga Israel ee Zibdin ayaa burbur xoogan soo gaadhay kadib markii ay ku dhaceen ugu yaraan 2 gantaal oo laga soo tuuray Lubnaan.

Xisbullah ayaa weerarkan sheegatay, waxayna duqeyntan u adeegsadeen Gantaalada “Burkan”.

Difaaca cirka ee Israa’iil ee loo yaqaan Iron Dome ayaa soo riday qaar kamid ah gantaalada. Balse waxaa muuqata in qaar kale ay yoolkooda ku dhaceen.

Xisbullah ayaa sidoo kale diyaaradaha Drone-ka u adeegsatay duqeynta ay la beegsatay ciidamada Israa’iil.

Toddobaadyadii lasoo dhaafay ayey labada dhinac isdhaafsanayeen duqeymo, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalka Gaza uu kusii fido gobalka oo dhan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this