Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamaas oo sheegtay inuu heer gebo-gebo ah uu marayo heshiiska siideynta Maxaabiista

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa maanta oo salaaso ah sheegay in gebo-gebo uu marayo heshiis lagu sii deynayo maxaabiista.

Qatar ayaa hore u sheegtay in ay hadheen arrimo farsamo. Sidoo kale Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in heshiiska heer gebo-gebo marayo.

Illaa iyo hadda ma cadda qodobada heshiiskan iyo inay ku jirto xabad-joojin maalmo ah.

Sharuudaha Xamaas ay hore ugu xidhay siideynta dadka ay heystaan ayaa ahayd xabad-joojin iyo siideynta shacabka Falastiin ee u xidhan Israa’iil.

Xamaas ayaa sidoo kale gacanta ku heysa tiro askar Israa’iiliyiin ah oo ay qafaasheen 7dii Oktoober.

Israa’iil ayaa sheegtay in dhankooda laga afduubay 237 qof oo ah shacab iyo askar.

Xukuumada Israa’iil ayaa maalmihii lasoo dhaafay cadaadis kala kulmaysey ehelada dadka ku jira gacanta Xamaas, qoysaskaasi oo ku eedeeyey xukuumada Netanyahu in ayna xooga saarin soo-siideynta dadkaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this