Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada Hoose Ee Hargeysa Oo Qaaday Tallaabo Shacbigu u Guuxay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa(Qaran news)-Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa qaaday tallaabo ugub ah oo dadweynuhu soo dhaweeyeen oo ku saabsan in maxkamadda la horgeeyo ganacsatadii lahayd Shixnad dhacday oo ka koobnayd afar baabuur oo raashin ah oo lagu qabtay kaantaroolka waqooyi ee magaalada Hargeysa.

Masuuliyiinta Dawladda Hoose ayaa sheegay in kiiskaas la mariyay xeer ilaalinta iyo maxkamadda Gobolka, isla markaana ay Maxkamaddu amartay in la gubo raashinkaas dhacay ee lagu waxyeeleynayay caafimaadka bulshada Somaliland.
Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa Siciid Nuur Jaamac ayaa sheegay in ay sharciga lala tiigsanayo muwaadiniintii ku duulayay caafimaadka dadkooda, waxaanu guud ahaan ganacsatada ugu baaqay in ay maalkooda iska xaaraantinimayn oo aanay badeecad dhacday u soo waaridin dalka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this