Deeq A. Posted November 21, 2023 Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo qorsheysan oo ay xalay ciidanka xasillinta caasimadda ee millatariga sida Booliska u howl-gala (Polizia militare) ka sameeyeen duleedka magaalada Muqdisho. Howl-galladan ayaa waxay ciidamada xasillinita si gaar ah uga sameeyeen deegaanka Ceelasha biyaha ee duuleedka caasimada, wuxuuna ujeedkiisu ahaa amni xaqiijin, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Ciidamada ayaa intii socday howl-galkaan waxay baaritaano guri gur ah ka sameeyeen xaafadaha deegaanka Ceelasha biyaha, si looga hortago khatarta dhinaca amniga ah ee laga filan karo kooxda Al-Shabaab, oo dowlada dagaal adag kula jirto. Sidoo kale, ciidamada ayaa baaritaano kala duwan ku sameeyay gaadiidka isticmaala waddada dheer ee isku xirta degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho. Howl-galladan ayaa daba socda kuwa maalmihii dambe ay ciidamada xasillinta caasimadda ay ka sameynayeen qaar kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, si looga hortagto khatar amni oo ka timaada kooxaha argagixisada. Si kastaba, howl-galladan ayaa imanaya maalmo kadib markii ra’iisul wasaaraha uu kulan looga hadlayay dardar-gelinta amniga caasimadda la qaatay hey’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay xerada ciidamada xasillinta caasimadda ee ku taalla inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad. Amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa si weyn isku beddelay tan iyo markii ay yimaadeen ciidankan, waxaana si weyn hoos ugu dhacay falalka amni darro ee kooxda Al-Shabaab ka geysan jirtay caasimadda.The post Xogta gowl-gallo qorsheysan oo laga sameeyay Muqdisho appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites