Sign in to follow this  
Xoogsade

Dagaal xoogan oo ka socda Degaanka Diinsoor iyo nawaaxigiisa ee Gobolka Baay

Recommended Posts

Xoogsade   

Dagaal xoogan oo ka socda Degaanka Diinsoor iyo nawaaxigiisa ee Gobolka Baay

Beerdhiga 01.02.2008 14:29

 

Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Dagmada Diinsoor ee Gobolka Baay oo uu khadka teloofoonka kula xirriiray wariyaheena Gobolka Baay ayaa u xaqiijiayay in dagaal la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan uu ka soconayo duleedka Dagmada Diinsoor

 

Dagaalka ayaa ah mid ka fool-ka fool ah oo u dhaxeeya DFKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya oo ka soo kicitimay Degmada Diinsoor iyo Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed oo iyagu mudooyinkii u danbeeyeey la hadal hayey in ay ku sugnaayeen deegaanadaasi

 

Dagaalkan ayaa la sheegayaa in uu hadda xoogiisu ka socdo Tuulada Misir oo la sheegay in ay u soo gudbeen Ciidamada DFKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya.

 

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaan iyada oo lagu soo waramayo in Dagaalku uu habeenimadii xalay ka bilowday Deegaanka Raamacadeey oo ka tirsan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaana xiligaan lagu soo waramayaa inuu ku fiday deegaano badan oo ka tirsan Dagmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

 

Dadka Dagmada Diinsoorna waxay xaqiijinayaan in Rasaas culus laga maqlayo gudaha Dagmada Diinsoor

 

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalamaya iyada oo masuuliyiinta Gobolka Baay iyo kuwa Dagmada Diinsoor ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan dagaalkaasi haseyeeshee dadka Dagmada Diinsoor ayaa xaqiijinaya in dagaalku uu xiligaan socdo

 

Dhaawacyo kala duwan ayaa la gaarsiiyey Isbitaalka Dagmada Diinsoor oo wax yeelo ka soo gaartay dagaalkaasi.

 

Ma’ahan markii ugu horaysay oo DFKMG ah iyo Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed ay ku dagaalamaan qaybo kamid ah Gobolka Baay

 

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo huwantooda ka wadaan magaalada Muqdisho iyo Gobolka Hiiraan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo la xiriira istiraatiijiyad cusub oo la sheegay in ay tahay mid dagaal.

 

Wixii warar ah ee ka soo baxa dagaalkaasi wali socda dib ayaan idinkaga soo gudbinaynaa insha allaah.

 

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed oo caawa la wareegtay Saldhiga Degmada Hodan, kana qaniimeystay saanado hub ah.

Beerdhiga 31.01.2008 23:16

 

Abaarihii 11:45 galabnimo ee maanta illaa 08:00 fiidnimo ee Caawa ayay xoogaga mujaahidiinta Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed ay weerar qorshaysan ku qaadeen Saldhiga Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho oo ay deganyihiin qeybo ka mid ah Ciidamada DFKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya.

 

Shabakadda Beerdhiga oo xiriir la sameysay sarkaal ka mid ah Jabhadaasi ayaa u xaqiijiyay in cutubyo ka mid ah Mujaahidiintooda ay weerar ku qaadeen saldhigaas isla markaana ay gabi ahaantiiba la wareegeen, iyada oo uu xusay in ay ka soo qaniimeysteen saanad hub ah oo ay ku jiraan qoryaha sida daran dooriga ah u dhaca ee PKM-yada iyo Ak47-no.

 

Mar aan wax ka weydiinay sarkaalkaasi khasaaraha labadooda dhinaca kala gaaray ayaa waxa uu sheegay in uusan si cad u sheegi Karin tirada rasmiga ah ee ka dileen Ciidamada DFKMG ah balse uu xusay in ay gaarsiiyeen khasaarooyin naf iyo maalba leh, iyaga dhinacoodana aysan jirin wax waxye ah oo ka soo gaaray dagaalkaasi.

 

Xubinkan ayaa sidoo kale intaasi ku daray in salaadii makhrib ka dib ay mar labaad ku qaadeen saldhiga dagaal rogaal celis ah oo ay la galeen ciidamo gurmad ah oo u yimid ciidamadii hore isla markaana ay la galeen dagaal kulul oo in mudo ah socday kaas oo ay markii dambe kaga itaal roonaadeen.

 

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo aan sidaa uga fogayn agagaarka Saldhiga Hodan oo Beerdhiga la soo xiriiray ayaa sheegay in ay mujaahidiintu saldhiga ku sugnaayeen in mudo ah iyada oo ay xiligaasna socotay rasaas teel teel ah, balse ugu dambeyntii ay ka baxeen ka dib markii ay ka dhameysteen qorshahoodii Dagaalka

 

“waxaan Dagaalka ugu qaadnay Saldhiga waxa ay tahay sidii aan ciidamadaasi caadaystay dhibaataynta Shacabka ee isugu jira dilka, dhaca iyo kufsiga uga dul-qaadi lahayn” ayuu yiri sarkaalkaasi oo ay Beerdhiga waydiisay sababta ay dagaalka ugu qaadeen saldhiga Degmada Hodan.

 

Warar hoose oo ay Beerdhiga heshay ayaa sheegaya in dagaalkaasi lagu qab-qabtay maxaabiis aan tiradooda si rasmi ah loo sheegi Karin, mar aan wax ka weydiinayna JIS ee iyadu Weerarkaasi ku qaaday saldhiga ayaa ka gaabsatay in ay wax faah faahin ah ka bixiso.

 

Si kastaba ha ahaatee weerarkan qorshaysan ayaa isagu ku soo beegmaya xili ay saaka waabarigii hore ay JIS iska hor imaad hubaysan kula gashay Ciidamada DFKMG ah agagaarka xararyaale halkaasi oo ay ku dileen labo askari oo ilaalo ka ahaa gaari raashin u waday Ciidamada jidka wadnaha degan ee magaalada Muqdisho.

 

Weerarada iyo qaraxyada isdaba jooga ah ayaa iyagu u muuqda kuwa wali halkoodii ka sii socda xili ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo huwantooda ay ka wadaan magaalada Muqdisho dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo u muuqda kuwa la xiriira istiraatiijida dagaal oo hor leh.

 

Waxaan uga cudur daaranaynaa akhristayaasheena sharafta badan dib u dhaca warkan aan kala dib dhacnay taas oo ahayd cilad dhinaca farsamada ah awgeed.

 

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Afhayeenkii Gobolka Banaadir oo la Khaarajiyay iyo Bootaan Ciise Caalin oo dhaawac loo gaystay

Beerdhiga 31.01.2008 21:40

 

Afahayeenkii gobolka banaadir Cabaas Maxamed Galayr ayaa caawa abaare 7:00 fiidnimo xilliga Muqdisho waxaa lagu toogtay gudaha Degmada Xamar weyne ee Caasimadda Muqdisho.

 

Caawa fiidnimadii ayaa laba Nin oo ku hubaysan bastoolado waxay dil toogasho ah u gaysteen Cabaas galayr oo ahaa Afhayeenka Gobolka Banaadir kaas oo goordhaw loo magacaabay Jagadaas kadib markii dhawaan Afhayeenkii hore Maxamed Muxyadiin cali lagu khaarajiyay degmada kaaraan.

 

Falkan ayaa waxa uu ku soo beegamayaa xilli uu maanta maxamed Dheere ka codsaday Xoogagga Mujaahidiinta in ay wada hadal la galaan Dawladda wuxxna sheegay in xubno aad u fara badan oo ka tirsanaa maamulkiisa ay khaarajiyeen Xoogagga ka soo horjeeda isla markaana ayka dhaqaajin waayeen hawlihii ay ka fulin lahaayeen gobolka Banaadir.

 

Sidoo kale waxaa caawa dhaawac loogu geystay Xaafadda Buula xuubeey ee Degmada Wadajir Bootaan Ciise Caalin oo ka tirsan Baarlaman DFKMG ah ee la shaqeeya gumaysiga Itoobiya isla markaana ahaa mid ka mid ah Hogaamiye kooxeedyadii Caasimadda wuxuuna xubin ka ahaa Isbahaysigii Ladagaanalka Argagixisada ee Maxkamadaha Islaamiga ahu ay ka saareen Magaalada Muqdisho.

 

Waxaa aad sare ugu kacay falalka ay xoogagga Mujaahidiintu ku khaarajinayan xubnaha ka tirsan dawladda FKMG ah ee la shaqaysa gumaysiga ayada oo sidoo kale ay sii kordhayaan dagaalada iyo weerarada kala duwan oo ay ku qaadayaan ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya.

 

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Max’ed Dheere oo ugu Baaqay Mucaaradka Wadahadal iyo in dilka laga daayo Maamulkiisa

Beerdhiga 31.01.2008 14:31

 

Maxamed Cumar Xabeeb(Maxamed Dheere) ayaa markii ugu horeysay shaaca xiligan in Mucaaradka ka soo horjeeda DFKMG ah ay ka qeyb galaan wada hadalka uu ku dhawaaqay Nuur Xasan Xuseen isla markaana ay joojiyaan waxa uu ku sheegay dilalka loo geysanayo Maamulkiisa.

 

Max’ed Dheere ayaa sheegay in iska Hor’imaadyada u dhaxeeya xoogaga mujaahidiinta soomaaliyeed iyo Ciidamada Gumeysiga itoobiya oo kaashanaya kuwa la shaqeeya ay ku dhibaatoodeen maamulkiisa isla markaana ay ka soo gaareen khasaarooyin nafeed oo uu sheegay in laga dilay 9 gudoomiye degmo.

 

“Isqab qabsiga u dhexeeyay dowalada Soomaaliya iyo xoogaga ka soo hor jeeda waxaa uu dhabarjab ku noqday howlihii maamulka gobolka hor yaalaya sidoo kale waxaa ay dhibaato ka soo gaartay shacabka sida caruurta iyo haweenka oo hoobiye lagu laayay, waxaan mucaaradka ugu baaqeeynaa in aya nala qaataan nabada aan ugu baaqnay" ayuu yiri Max'ed Dheere

 

Shalay ayuu maxamed dheere sheegay ka dib kulan ay ku yeesheen guddoomiyayaashiisa ugu qaabilsan degmooyinka gobolka banadir iyo xubno ka ka mid ah kuxigeenaddiisa xarunta gaadiidka booliska in mucaaradka ay joojiyaan weerarada qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ee ay ku khaarajinayaan madaxda DFKMG ah waxaan uu yiri isaga oo arintaasi ka hadlaya “Kuwa isku sheegaya mucaaradka amase kuwa nala dhashay ee soomaaliyeed waxaan leeyahay nin god galay soo ma baxeen waa la heshii doonaahe waxaad yeelaysiin dadka dilka ka dhaafa”.

 

Hadalka Max’ed Dheere uu maanta ka sheegay xarunta Gobolka Banaadir kadib shir uu la qaatay xubno ka mida Cidanka Dowlada Hoose ee la shaqeysa Gumeysiga ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay wadaan Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya dhaq dhaqaaq ciidan oo u muuqda istiraatiijad dagaal, isla markaana uu Nuur Cadde wado siyaasad madax salaax ah.

 

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Whats with M'dhere pleading? Just few months back he was barking load. Using the “Aragaxiso” card against his people. Today its “walaalayaal” card on the table but question is who’s going to cooperate.

 

BTW….Bootan ciise... isn’t that old boy Xaaran ku Naax.. .LOOOOOL

 

Walle ..La dagaalanka argagaxisa wey ka daba timid.

 

This is clearly a huge sign of how insecure those who rested their faith on Ethiopians are today.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Waxaa la yiri qofkii shicib ah ee dowladda shaqo u doontaba luuqaa loo joogsan, oo qoortaa loo dheereenaa.

 

Dadkan waa gaajaysan yihiine, may iska daayaan hayska xamaashaane? Waa laysku kor dhintay oo baa ba'ay walle. Cadowga car u shaqee waaye, sheekadu! Nin gaajaysan oo 8 kids meel u fadhido ma cadow baa u muuqdo, irsaqiisa meeshuu jiruu doonananaa maahee.

 

Ya Rabi!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Means laba daran mid dooro ,,, hadaanad shaqaysan waad dhiman oo gaajaa ku dili , hadaad shaqo tagtana xabbad baa lagugu dhufan oo waa lagu dili ,, either way you will die

 

 

what a life ,,,,,,, Ilaahow dadkaaga u gargaar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo Gacanta laysula tegey ayaa shalay galab gaabkii ka dhacay deegaanka degmada diinsoor ee gobolka Baay halkasoo ay isku hardiyeen ciidamada dowlada KMG ah iyo weliba xoogaga Al-shabaab ee sida weyn uga soo horjeeda siyaasada dowlada iyo weliba joogitaanka ciidamada Shisheeye.

 

 

Xaalada magaalada Diinsoor ayaa maanta degan waloow uu dagaalkaasi oo laysku gabal dhacsaday uu gaystay khasaare nafeed oo gaaraya ilaa 12-qofood ay halkaasi ku naf waayeen islamrkaana la sheegay in Labo baabuur oo noocyada Dagaalka ee loo yaqaano Tikinikada ay ku shuf beeleen .

 

Khadka isgarsiinta oo ay kula xiriirnay dadka ku dhaqan deegaankasi ayaa waxaa shabakada afnugaal u xaqiijiyeen in ciidamada dowlada FKMG ah lagaga awood roonaaday dagaalkaasi islamrkaana laga gubay labo babuur halka la sheegay in laga diley 11-askari .

 

C/risaaq axmed oo kamid ah dadka degan degmada Diinsoor oo aanu tetelfoonka kula xiriirnay ayaa warbaahinta afnugaal u sheegay inay ciidmada dowlada FKMG ah laga soo baacsaday deegaankaasi waloow uu sheegay inay maanta xaaladu degan tahay islamarkaana aysan magaalada iskaga bexeen xoogaga Al-shabaab kadib markii ay gacanta ku dhigeen.

 

Sidoo kale c/risaaq axmed ayaa intasi ku darauy in dagaalku ahaa mid laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan islamrkaana uu sheegay in ciidanka dowlada lagaga gubay dagaalkan labo baabuur oo nooca Cabdi bilaha ah .

 

Si kastaba ha ahaatee Xaaladan dagaal ee ka dhacday deegaanka degmada diinsoor ayaa kusoo beegmaysa xili la sheegay inay daafaha gobolka Baay ay ku sugan yihiin xoogaga la magac baxay Al-shabaab oo sida weyn uga soo horjeeda siyaasada dowlada KMG iyo weliba joogitaanka ciidamada shisheeye.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this