Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Waan-waan nabadeed oo laga dhex wado beelo ku dagaallamay Sheerbi

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20231121_095148422.jpg?resize=582

Wararka ka imaanaya gobolka Karkaar ayaa sheegaya in waan-waan nabadeed laga dhex wado laba beelood oo ku dagaallamay degaanka Sheerbi.

Waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka Bari iyo Karkaar ayaa dadaal ku bixinaya joojinta xiisadda beeleed ee weli ka jirta degaanka Sheerbi inkastoo aanu hadda socon wax dagaal ah.

Waxgaradka labada dhinac ee dagaallamay ayaa sidoo kale laga soo sheegay in ay diyaar u yihiin waan-waanta si loo sameeyo xabbad-joojin deg deg ah.

Xaaladda Sheerbi ayaa tan iyo shalay deggan waxaana halkaas ku sugan ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo laga keenay gobolka Bari.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Waan-waan nabadeed oo laga dhex wado beelo ku dagaallamay Sheerbi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this