Sign in to follow this  
Deeq A.

Sirdoonka Puntland oo 24 saac gudahood fashiliyay qaraxii labaad oo lagu aasay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20231121_123938561.jpg?resize=720

Ciidanka Sirdoonka gaarka ah u qaabilsan Puntland ee lagu magacaabo PISF ayaa saaka shaaciyay in ay fashiliyeen qarax miino oo lagu aasay magaalada Boosaaso.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Sirdoonka PISF ayay ku sheegeen in ay fashiliyeen qaraxa miino oo kooxaha Argagixisada ah geliyeen gudaha Boosaaso.

“Ciidanka sirdoonka gaarka ah ee PISF oo gacan ka helaya PMPF ayaa ku guulaystay inay fashiliyaan qarax 2aad oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo muwaadiniinta Puntland iyo ganacsiyadooda ee magaalada Boosaaso”.

“Qaraxaan oo xogtiisa ay haysay hay’ada sirdoonka ee PISF ayaa waxaa soo maleegay kooxaha argagixisadaha ee waqtigoodu dhamaadka yahay” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska ciidanka Sirdoonka gaarka ah ee PISF.

Waa qaraxii labaad oo Sirdoonka Puntland  shaaciyeen in ay fashiliyeen mudda 24 gudahood ah kaas sida ay tilmaameen lagu diyaariyay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

PUNTLAND POST

The post Sirdoonka Puntland oo 24 saac gudahood fashiliyay qaraxii labaad oo lagu aasay Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this