Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka oo ku kulmaya dalka Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirada arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa Talaadada berri ah ku kulmaya magaalada Moscow ee dalka Ruushka, si ay uga wada hadlaan xaaladda Qaza, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wakaaladda wararka Ruushka ee RIA oo soo xiganaysa afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka.

Warbixintu ma aysan cadeyn dalalka ka qeyb galaya kulanka lala yeelanayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergey Lavrov.

Ruushka ayaa heysta mowqif taageersan Falastiin, isagoo ku cambaareeyay Israa’iil tirada sii kordheysa ee khasaaraha rayidka ah, waxayna soo celisay taageerada ay muddada dheer u haysay hirgelinta dowlad Falastiin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this