Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka caalamiga ah ee Cunnada oo ay iska kaashadeen Soomaaliya, UK iyo UAE oo London ka furmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa magaalada London ka furay shir caalami ah oo lagu sugayo amniga cuntada.

Shirkan ayaa ah mid ay iska kaashadeen Britain, Somalia, iyo Imaaraadka Carabta (UAE) iyo sidoo kale hay’ado ay ka mid yihiin Bill and Melinda Gates Foundation.

Wakiilo ka kala socda in ka badan 20 wadan ayaa ka qeyb galaya.

Mr Sunak wuxuu ku dhawaaqay xarun cusub oo casri ah oo isku xirta saynisyahanada Ingiriiska cilmi baaris caalami ah oo ku saabsan dalagyada u adkeysiga cimilada.

Sida uu shirku ku bilaabmay, Qaramada Midoobay waxay ku boorisay deeq-bixiyeyaasha inay si degdeg ah u kordhiyaan gargaarkooda oo ay ku maalgashadaan xalalka mustaqbalka fog si wax looga qabto waxa ay ugu yeereen sababaha asaasiga ah ee gaajada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this