Sign in to follow this  
Deeq A.

Saynduuqa SDF oo Gaadhi ku Wareejiyay wasaarada xanaanada xoolaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa(Qaran news)-Maamulka Saynduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF ayaa maanta ku wareejiyey Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Md Siciid Sulub Maxamed gaadhi casriya oo ku qalabaysan dhamaan baahiyaadka caafimadka xoolaha isla markaana loogu talo galay xarunta daryeelka xoolaha iyo cilmi baadhista ee Aroori.

Munaasibadan oo ka qabsoontay Xarunta Aroori ayaa waxaa ka soo qayb galay Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Togdheer, Maayarka Magaaladda Burco, Taliyaha Qaybta booliska, madax dhaqmeed iyo marti sharaf kale.

Mas’uuliyiin u hadlay Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF ayaa sheegay in baabuurkani uu noqon doono mid kafeeya baahida caafimaad ee ka jirta gobalka Togdheer waxaa kale oo ay xuseen in gaadhigani uu noqon doono cisbitaalka xanaanada xoolaha ee guur guura, kaasi tagi doona goobaha ay ka jirto baahiyaha caafimadka ee deegaanada gobalka Togdheer.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Md Siciid Sulub Maxamed oo gabo gabadii munaasibadaas ka hadlay ayaa u mahadceliyey sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF oo door wax ku ool ah ka qaata hirgalinta mashaariic dhanka xoolaha ah waxaa kale oo wasiirku uu sheegay in gaadhigan ay la wareegeen uu kaalin muuqata ka qaadan doono wax ka qabashada caafimaadka xoolaha.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this