Sign in to follow this  
Deeq A.

Warmurtiyeed laga soo Saaray Shirweynaha Guddiyada Shareecada Baanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Warmurtiyeed laga soo Saaray Shirweynaha Guddiyada Shareecada Baanka

Hargeysa(Qaran news)-War-murtiyeedka ayaa ka soo baxay Shirweynahaa 1aad ee Guddiyada Shareecada Baanka Dhexe iyo Baananka Gaarka loo Leeyahay ee Somaliland.

Warsaxaafadeedkaasina wuxuu u qornaa sidan:-

1. In la xoojiyo wada-shaqaynta Guddiyada Shareecada Baanka Dhexe iyo baananka gaarka loo leeyahay ee JSL, si kor loogu qaado is-waydaarsiga aqooneed iyo waayo aragnimo ee Guddiyada Shareecada dhexdooda.

2. In laga wada shaqeeyo hirgalinta Axkaamta Shareecada islaamka ee la xidhiidha dhamaan adeegyada Maaliyadeed ee Hay’addaha Maaliyadeed bixiyaan.

3. In la balaadhiyo lana fududeeyo adeegyada maal-galineed ee ay bixiyaan Hay’addaha Maaliyadeed.

4. In kor loo qaado kalsoonida iyo wacyiga bulshada ee ku aadan adeegyada Maaliyadeed ee bixiyaan Hay’adaha Maaliyadeed.

5. In la mideeyo dadaalada maalgalineed ee lagu horomarinaayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo kuwa bulshada ee JSL.
IMG-20231120-WA0006.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this