Sign in to follow this  
Deeq A.

Mudaharaad Qof ku Dhintay oo ka Dhacay Tuulada Abdaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudaharaad Qof ku Dhintay oo ka Dhacay Tuulada Abdaal

Hargeysa(Qaran news)- Hal Qof ayaa ku dhintay mudaharaad galabta ka dhacay tuullada Abdaal ee degmada Mandheera.

Dadweynaha magaalada ayaa la sheegay inuu ka dhashay muran ka taagan dhul uu iibiyay madaxa tuulladaasi. Hase ahaatee ma jirto xaqiijin karta arrintaas.

Waxase Suxufiyiin jooga Berbera ay xaqiijiyeen dhimashada nin ay ku dhacday rasaas boolisku riday. Waxa kaloo jira dhaawac aan rasmiyan la xaqiijin.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil iyo Guddoomiyaha Degmada Madheera, ayaan weli ka hadal dhacdadan iyo waxyaabaha rasmiga ah ee dadweynuhu ku gadoodeen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this