Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoys ka bara-kacay Garoowe oo shil dhimasho iyo dhaawac sababay ku galay degaanka Xaaji khayr

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20231120_090708266.jpg?resize=720

Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa shil gaari oo xalay ka dhacay goollada degaanka Xaaji Khayr oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Qoys ka bara-kacay xiisadda magaalada Garoowe ayaa sida wararku sheegayaan shil ku galay goollada Xaaji Khayr waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Shilka ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen gaarigii qoyska waday iyo mid xamuul ah oo ka yimid dhinaca magaalada Boosaaso.

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo mid ilmo yar yahay ayaa ku dhintay shilka waxaana ku dhaawacmay lix ruux oo kale iyadoo uu si ba’an u burburiyay gaarigii ay saarnaayeen.

PUNTLAND POST

The post Qoys ka bara-kacay Garoowe oo shil dhimasho iyo dhaawac sababay ku galay degaanka Xaaji khayr appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this