Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaladda Garoowe oo saaka deggan kadib xiisad laga dareemay shalay

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20231120_084650293.jpg?resize=720

Xaaladda magaalada Garoowe oo saacadihii la soo dhaafay laga dareemay  dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa u muuqata saaka mid deggan.

Weli lama soo sheegin saaka wax dhaq dhaqaaq ciidan ah oo ay samaynayaan ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan siyaasiyiinta Mucaaridka ah.

Xaafadaha xiga dhinaca Taliska Ligle iyo saldhiga galbeed ee caasimadda oo shacabku si weyn uga bara-kacay ayaa saaka cidla’ ah waxaana dhankaas ku sugan ciidamada taabacsan Mucaaridka.

Dhinaca kale qaar kamid ah odayaasha dhaqanka SSC-khaatumo ayaa lagu wadaa in ay maanta yimaadaan Garoowe si ay qayb uga noqdaan xal u raadinta xiisadda taagan.

Isimada dhaqanka SSC ayaa doonaya in ay qayb ka noqdaan dhex-dhexaadinta dowladda iyo siyaasiyiinta Mucaaridka ah oo ku muransan doorashada taas oo xiisaddan abuurtay.

PUNTLAND POST

The post Xaaladda Garoowe oo saaka deggan kadib xiisad laga dareemay shalay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this