Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan Puntland oo la dhex dhigay beelo ku dagaallamay Sheerbi

Recommended Posts

Deeq A.   
163bb6.png?resize=696%2C392&ssl=1

Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo uu wato taliye lagu magacaabo Cartan Jicif ayaa saaka ku sugan degaanka Sheerbi halkaas oo ay ka taagan tahay xiisad beeleed.

Ciidamada oo ka soo baxay degaanka Kalabayr ee gobolka Bari ayaa Sheerbi loo keenay si ay u kala dhex-galaan maleeshiya-beeleedka labada dhinac ee dagaallamay.

Xaaladda Sheerbi oo ka tirsan degmada Waaciye ee gobolka Karkaar ayaa saaka deggan kadib dagaallo laba maalmood ka socday oo ay ku dhinteen in ka badan lix qof oo dhinacyadii diriray ah.

Ciidamada dowladda ayaa hadda jooga goobihii lagu dagaallamay inkastoo maleeshiyaadka labada dhinac aysan ka fogayn halkaas.

PUNTLAND POST

The post Ciidamo ka tirsan Puntland oo la dhex dhigay beelo ku dagaallamay Sheerbi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this