Sign in to follow this  
Deeq A.

Sirdoonka Puntland oo fashiliyay qarax miino oo lagu diyaariyay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1700466105860.jpg?resize=720%2C54

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda dowladda Puntland ee PISA ayaa fashilisay qaraxyo lagu diyaariyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Hay’adda Sirdoonka Puntland oo la socotay dhaqdhaqaaqa argagixisada ayaa fashilisay qaraxyadan kadib markii ay macluumaad buuxa ka heshay halka lagu diyaariyay.

Saraakiil ka tirsan hay’adda PISA ayaa laga soo xigtay in qaraxyadan ay yihiin miinooyinka rimoodka laga hago ee lagu qarxiyo wicitaanka taleefonnada ku rakiban.

Sirdoonka Puntland ayaa sheegaya in ay mar kasta si dhow ula socdaan dhaq dhaqaaqa maleeshiyaadka argagixisada ah ee Shabaab iyo Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari.

FB_IMG_1700466122377.jpg?resize=576%2C12 FB_IMG_1700466127214.jpg?resize=576%2C12

PUNTLAND POST

The post Sirdoonka Puntland oo fashiliyay qarax miino oo lagu diyaariyay Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this