Sign in to follow this  
General Duke

Al Shabaab defeat at Galgala shift of tactics to clan

Recommended Posts

Al-shabaab oo ku fashilmey weerarkii ay kusoo qaadeen Puntland,laakiin waxey la soo baxeen qorshe u qarsoonaa(Plan B)

Posted by admin on July 30th, 2010

 

Garowe(Pi) Kooxda Al-shabaab oo intii mudo ahba ku howlanaa iney qaybo kamid ah Puntland gacanta ku dhigaan ayaa markii hore ku guuleystey iney saldhigaan Galgala,Shiekh Atam ayaana hormuud u ahaa kooxda Al-shabaab Puntland isagaana loo xilsaarey inuu dhulkiisa ka xoreeyo dadkiisa.

Al-shabaab waxey waayadaan dambe bilaabeen iney wax ka badalaan siyaasadooda iyo dhaqankoodaba deegaanada looga awood badan yahey , Waxey bilaabeen iney isticmaalaan hab cusub oo ah iney fal sameeyaan ka dibna dafiraan,tasoo ay ula jeedaan iney iska horkeenaan dadka degan degaankaas ay doonayaan inay ka howlgalaan ama ay ka bilaabaan dhaqdhaqaaq  si ay kooxdoodu u hesho dad taageera hadii ay u arkaan in laga gacan sareeyo.

Waxaa tusaale ah qarixii Hotel Shamow ee ardeyda qalin jabineysa lagu laayey, weerarkii lagu qaadey Hotelkii ku yiiley  Baladweyne ee uu ku dhintey  Cumar Xaashi labadaan weerar waxaa ka dambeeyey Al-shabaab lakiin labadaba way dafireen.

Sheikh Atam wuxuu intaan la weerarin sheegey inuu Al-shabaab yahey, Al-shabaab iyagu wax hadala kama bixin xiligaas, balse Markii Ciidamada Puntland ay gacan qaadeen Atam kooxdiisii lana qabqabtey saraakiil badan oo Al-shaab ka tirsanaa ayaa waxaa cadaatey in Al-shabaab ku hungoobeen qorshohoodii ahaa iney weeraraan Puntland, run ahaantiina waa ku fashilmeen arintaas, Al-shabaab oo waayadaan dambe isticmaala siyaasad casriyeysan waxey markiiba badaleen siyaasadooda waxeyna la soo baxeen qorshe u qarsoonaa, Sheikh atam ruuxiisuna wax ka ogaa(Pland B) qorshahasoo ahaa in ay isticmaalaan hab qabiil iney dagaalka u badalaan si ciidankooda loo badbaadsho meeshana ay usii joogaan  halkaasna qorshohoodii looga soo bilaaba mar labaad iyo abaabul hor leh, waxey samyeen ugu horeyn Al-shabaab ayaa dafirey iney ku lug leeyihiin dagaalka, shiekh Atam isna wuxuu dafirey inuu Al-shabaab yahey,wuxuuse hilmaamey inuu maalmo ka hor afkiisa ku yiri waxaan ahey Al-shabaab, “waa neef la gowracey geed kama waabtee” .

Waxaa hadaba xaqiiq ah in waayadaan dambe ay Al-shabaab isticmaalaan taktik laga yaqaan Afganistaan oo ay badanaa isticmaalaan Alqacida iyo Talabaan kasoo ah iney meel weeraraan ka dibna dadka ka dhaadhacshaan ineysan weerarkaas lug ku laheyn, waxeyna taas Al-qacida iyo Talabaan ka gaareen guulo badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this