Deeq A. Posted November 20, 2023 Waxa uu u ahaa toddobaad aad u dhib iyo niyad jab badan raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali, waxaa sidaas qortay warbaahinta Bloomberg News. Hoggaamiye sannadkii 2018 xukunka ku qabtay inuu ballan-qaaday inuu furfuri doono dhaqaalaha dalkan ku yaalla Geeska Afrika, oo uu hurin doono kobac dhaqaale, dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay Abiy wuxuu gurtay midhaha iyo cawaaqibka in ganacsi la sameeyo xilli dagaal. Marka koowaad, xaraash ay dowladda sameysay oo ay ku iibineysay liisanka shirkad taleefan gacmeed oo caalami ah oo dalka ka howlgasha, ayaa ku guuldareystay inuu soo jiito wax yabooh ah. Kadib, shirkadda kaliya ee bixisa adeeg maaliyadeed ee laga leeyahay dibedda, Ethio Lease, ayaa sheegtay in ay xidhi doonto xafiiskeeda Itoobiya, iyada oo ku eedaysay isbeddelada bankiga dhexe uu ku sameeyey xeerarka sarifka lacagaha qalaad inay ka dhigeyso mid aan macquul ahayn inay kasii shaqeyso dalka. Sidoo kale, ciidamada ammaanka ee Abiy ayaa xidhay oo garaacay laba xubnood oo ka tirsan shaqaalaha Bankiga Horumarinta Afrika (African Development Bank), ka hor inta aanu Ra’iisul Wasaaruhu soo faro-gelin si loo sii daayo. Bankiga ayaa ku tilmaamay “dhacdo diblomaasiyadeed oo halis ah.” Faah-faahin dheeri ah lagama bixin arrintan. Waxaa intaas dheer kadib dagaalladii arxan darrada ahaa ee ka dhacay gobolka waqooyi ee Tigray oo dhamaaday sannad kahor, ayaa waxaa dhowr gobol oo kale oo dal ka mid ah laga soo weriyey xasillooni darro kadib markii maleeshiyaad kala duwan ay dagaal la galeen ciidamada dowladda. Dagaalladaas oo lagu daray hab maamulka dowladeed ee xun ayaa ka dhigay mid adag in ganacsi laga sameeyo Itoobiya, oo macnaheedu yahay in rajadii Abiy ee aheyd inuu Itoobiya u furo maal-gashi dibedda ah ay weli tahay riyo uun. Waxaa hubaal ah, in horumar laga gaadhay wada-hadallada dib-u-qaabaynta deymaha oo dawladda siinaya waqti ku aaddan gudashada waajibaadkeeda ka hor waddada dheer ee heshiiska dayn-cafinta, dhaqaaluhuna wuu sii kordhayaa. Hase yeeshee, dal ay ku nool yihiin dad dhallinyaro ah oo ka badan 100 milyan, oo dhowr sanno ka hor lagu tilmaamay inuu yahay mucjiso dhaqaale, Itoobiya waxa ay u eegtahay mid ay adag tahay in caalamka laga iibiyo. Source Share this post Link to post Share on other sites