Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada Shacabka lagu xasuuqay Gaza oo kor u dhaaftay 13000 oo qof

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa sii socota duqeynta Israa’iil ku wado Gaza, tiradda shacabka duqeynta lagu xasuuqay ayaa kor u dhaaftay 13.000 qof.

Dadka duqeynta Israa’iil lagu dilay ayey ku jiraan 5.500 carruur ah iyo 3.500 haween ah.

Goobaha la duqaynayo ayaa ku yaalla Waqooyiga iyo Koonfurta Gaza, waxaana xalay la duqeeyey nawaaxiga cisbitaalka Indonesia oo ay yaalaan dhaawacyo badan.

Ciidamada Israa’iil oo cagta soo mariyey cisbitaalka Shifa ayaa hadda u muuqda inay diirada saarayaan cisbitaalka Indonesia.

Guryaha iyo daaraha ku yaalla Marinka Gaza ayey 60% soo gaadhay burbur ama khasaaraha duqeynta.

Waxaa sidoo kale shaqada joojiyey 25 cisbitaal iyo 52 goobo caafimaad oo ku yaalla Gaza. Halka 55 gawaadhida caafimaadka (ambulances) la burburiyey.

77 Masaajid ayey Israa’iil burburisay, halka kuwo kalena khasaaro kasoo gaadhay duqeynta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this