Deeq A. Posted November 20, 2023 Xaaladda Garoowe ee saaka iyo arrimaha halkaa socda Wararka naga soo gaaraya saaka magaalada Garoowe ayaa sheegaya in xaaladdu daggentahay kadib markii shalay halkaa laga dareemay dhaqdhaqaaq ciidan oo iska soo horjeeda. Qaar ka mid ah dadweynaha magaalada ayaa xaafadahoodii ka barakacay iyaga oo ka cabsi qaba in iska horimaad uu dhaco. Dhanka kale waxaa socda dadaallo lagu xalinayo khilaafka ba’an ee hareeyay doorashooyinka ee u dhaxeeya mucaaradka iyo xukuumadda kuwaas oo ay wadaan madax dhaqameedka, iyada oo maanta la filayo in ay Garoowe gaaraan odayaal dhaqameed ka socda gobolka Sool iyo degaanno kale. Mucaaradka ayaa sheegay inaysan diyaar u ahayn wadahadal aan ahayn doorasho xilligeedii ku dhacda, iyo sidoo kale gacan saddexaad oo dhex dhexaadisa oo lagu kalsoon yahay. Mucaaardku waxay sheegeen madaxweyne Deni inuu magaalada Garowe kusoo gurayo gaadiid dagaal iyo ciidamo katirsan kuwa PMPF, kuwaas oo ay sheegeen inuu doonayo inuu colaad uga abaabulo magaalada Garowe. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites