Deeq A. Posted November 20, 2023 Sanca (Caasimada Online) – Xuutiyiinta dalka Yemen ee Iran ay taageerto ayaa Axaddii sheegay inay Badda Cas ku qabsadeen Markab laga leeyahay Israel, sheegashadaas oo ay durba beenisay Israel. Afhayeenka Xuutiyiinta, Yahya Saree ayaa bayaan lasoo dhigay barta X ku sheegay in fallaagada “ay qasbadeen Markab laga leeyahay Israel, una kaxaysteen xeebta Yemen.” Militariga Xuutiyiinta “waxay sii wadi doonaan inay fuliyaan howlgallo militari oo ka dhan ah cadowga Israel, illaa inta ay ka joogsanayaan gardarrooyinka ka dhanka ah Gaza iyo dambiyada foosha xun ee ka dhanka ah walaalaheen Falastiin ee Gaza iyo Daanta Galbeed,” ayuu yiri Saree. Militariga Israel ayaa beeniyey inay markabka la afduubtay, oo lagu magacaabo Galaxy Leader laga leeyahay Israel. Bayaan ay ciidamada Israel soo dhigeen barta X ayaa lagu yiri “Afduubka ay Xuutiyiinta ugu gaysteen Markab xamuul meel u dhow Badda Cas ee Yemen waa dhacdo weyn oo leh cawaaqib caalami ah.” “Markabku waxa uu ka ambabaxay dalka Turkey, isagoo ku sii jeeday India, waxaana ka shaqaynayay dad rayid ah oo jinsiyado kala duwan kasoo jeeda, balse kuma jiraan Israa’iiliyiin.” “Ma ahan Markab Israel,” ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada Israel. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sidoo kale beeniyey in markabka laga leeyahay Israel, laakiin wuxuu cambaareeyay, “Weerarka Iran ee ka dhanka ah markab caalami ah.” “Markabka oo ay leedahay shirkad Ingiriis ah, ayna maamusho shirkad laga leeyahay dalka Japan, ayaa waxa afduubtay kooxda Xuutiyiinta Yemen oo ay hagayso Iran,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Markabka waxaa saaran 25 shaqaale oo u kala dhashay dalal kala duwan oo ay ku jiraan Ukraine, Bulgaria, Philippine iyo Mexico.” Si kastaba, faahfaahinta xogta lahaanshaha maraakiibta ayaa milkiyadda markabka la xiriirineysa shirkadda Ray Car Carriers, oo uu aasaasay Abraham “Rami” Ungar, oo la rumeysan yahay inuu yahay mid ka mid ah ragga ugu qanisan Israel. Ungar ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press inuu ka war hayo dhacdadan balse uusan bixin karin wax faallo ah, isaga oo sugaya faah-faahin. Markab isaga lala xiriiriyay ayaa sanadkii 2021 la kulmay qarax ka dhacay gacanka Cumaan. Warbaahinta Israel ayaa ku eedaysay Iran xilligaas.The post Xuutiyiinta oo afduubtay markab laga leeyahay Israel appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites