Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxa uu ahaa toddobaad aad ugu xun Abiy Ahmed

Recommended Posts

Deeq A.   
Abiy-Ahmed.jpeg?fit=1222%2C783&ssl=1

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Waxa uu u ahaa toddobaad aad u dhib iyo niyad jab badan ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali, waxaa sidaas qortay warbaahinta Bloomberg News.

Hoggaamiye sanadkii 2018 xukunka ku qabtay inuu ballan-qaaday inuu furfuri doono dhaqaalaha dalkan ku yaalla Geeska Afrika, oo uu hurin doono kobac dhaqaale, dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay Abi wuxuu gurtay miraha iyo cawaaqibka in ganacsi la sameeyo xilli dagaal.

Marka koowaad, xaraash ay dowladda sameysay oo ay ku iibineysay shatiga shirkad taleefan gacmeed oo caalami ah oo dalka ka howlgasha, ayaa ku guuldareystay inuu soo jiito wax yabooh ah.

Kadib, shirkadda kaliya ee bixisa adeeg maaliyadeed ee laga leeyahay dibedda, Ethio Lease, ayaa sheegtay in ay xiri doonto xafiiskeeda Itoobiya, iyada oo ku eedaysay isbeddelada bankiga dhexe uu ku sameeyey xeerarka sarifka lacagaha qalaad inay ka dhigeyso mid aan macquul ahayn inay kasii shaqeyso dalka.

Sidoo kale, ciidamada ammaanka ee Abiy ayaa xiray oo garaacay laba xubnood oo ka tirsan shaqaalaha Bankiga Horumarinta Afrika (African Development Bank), ka hor inta uusan Ra’iisul Wasaaruhu soo faro-gelin si loo sii daayo.

Bankiga ayaa ku tilmaamay “dhacdo diblomaasiyadeed oo halis ah.” Faah-faahin dheeri ah lagama soo bixin arrintan.

Waxaa intaas dheer kadib dagaalladii arxan darrada ahaa ee ka dhacay gobolka waqooyi ee Tigray oo dhamaaday sanad kahor, ayaa waxaa dhowr gobol oo kale oo dal ka mid ah laga soo weriyey xasillooni darro kadib markii maleeshiyaad kala duwan ay dagaal la galeen ciidamada dowladda.

Dagaalladaas oo lagu daray hab maamulka dowladeed ee xun ayaa ka dhigay mid adag in ganacsi laga sameeyo Itoobiya, oo macnaheedu yahay in rajadii Abiy ee aheyd inuu Itoobiya u furo maal-gashi dibedda ah ay weli tahay riyo un.

Waxaa hubaal ah, in horumar laga gaaray wada-hadallada dib-u-qaabaynta deymaha oo dawladda siinaya waqti ku aaddan gudashada waajibaadkeeda ka hor waddada dheer ee heshiiska dayn-cafinta, dhaqaaluhuna wuu sii kordhayaa.

Hase yeeshee, dal ay ku nool yihiin dad dhallinyaro ah oo ka badan 100 milyan, oo dhowr sano ka hor lagu tilmaamay inuu yahay mucjiso dhaqaale, Itoobiya waxa ay u eegtahay mid ay adag tahay in caalamka laga iibiyo.

The post Waxa uu ahaa toddobaad aad ugu xun Abiy Ahmed appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this