Deeq A. Posted November 20, 2023 Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimo bani’aadanimada ee haatan ka jira gudaha Soomaaliya. Farmaajo ayaa si gaar ah uga hadlay dhibaatooyinka ka dhashay fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay qaybo badan oo kamid ah dalka, isagoo sheegay in culays uu ka jiro gobollada. “Dhibaatada soo food saartay kumannaan qoys oo Soomaaliyeed oo ku dhaqan gobollada Bay, Bakool, Gedo, Shabeelooyinka, Banaadir, Hiiraan iyo Mudug ee ay sababeen daadadka ku rogmaday gobolladaas waa mid aad u culus oo inoo ka baahan dhammaanteen in aynu u istaagno” ayuu qoraalkiisa ku yiri Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale farriin u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay is abaabulaan, isla markaana ay u gurmadaan dadka tabaaleysan. “Dadka Soomaaliyeed oo lagu yaqaanno gurmadka iyo is-garabsiinta waxaan ugu baaqayaa in ay si xooggan ugu istaagaan walaalahooda dhibaateysan, lana abaabulo gurmad iyo gargaarka ay naga mudan yihiin xaaladdan adag ee ay ku jiraan” ayuu mar kale yiri. Sidoo kale wuxuu ka hadlay khasaaraha ka dhashay fatahaadaha, isaga oo tacsi u diray dadka shacabka ah ee lasoo wariyay inay ku geeriyoodeen daadadka ku dhuftay dalka. Waxaa kale oo uu ugu baaqay shacabka inay hoggaansamaan talooyinka kasoo baxay hay’adaha dowladda ee ku aadan roobabka iyo fatahaadaha ka jira gudaha waddanka. “Alle waxaan naxariistiisa Janno u weydiinayaa dadkii inooga dhintay daadadka ku soo rogmaday gobollo badan oo ka tirsan dalka, waxaana adkeynayaa in loo hogaansamo talooyinka ay soo saarayaan Hay’adaha dowladda ee ku aaddan badqabka iyo goobaha biyo mareenka ah” ayuu warsaxaafadeedkiisa kusoo gabagabeeyay madaxweynihii hore. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad adag oo dhanka nolosha ah, taas oo saameyn ku yeelatay kumannaan qoysas ah oo ku dhaqan koonfurta iyo bartamaha dalka.The post FARMAAJO oo war xasaasi ah kasoo saaray xaaladda dalka appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites