Deeq A. Posted November 19, 2023 Hay’adaha samofalka Oo Bilaabay inay ka baxaan Puntland Garoowe(Qaran news)- Hay’adaha samofalka ee caalamiga ah ayaa ka baxaya magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland sababo la xidhiidha xiisada siyaasadeed ee ka taagan gobolkaasi oo sababay in ciidamo hubaysani la kala saftaan siyaasiyiinta isku haya doorashada khilaafku ka taagan yahay. Khilaafka doorashooyinka Puntland ayaa gaadhag halkii ugu sarreysay, wsxana dhinacyada doorashada ku muransani ay ku dhow yihiin inay isku faro saaraan dagaal hubaysan. Hay’adaha caalamiga ah ayaa la arkay maanta iyagoo masuuliyiintoodu ka dhoofayaan madaarka Garoowe. Taasi oo sababtay walaac xoog leh oo soo food saaray shacabka iyo Hay’adahaba. Ma jiro wax war ah oo ay Xukuumadda Siciid Deni ka soo saartay tallaabada Hay’aduhu kaga baxayaan magaalooyinka maamul goboleedka Puntland ee Somalia. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites