Sign in to follow this  
General Duke

Garowe district: new electricity plant opens

Recommended Posts

Garoowe: Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray xarun cusub oo shirkadda korontada NEC ka furtay Garoowe

 

6. Juni 2008

Garoowe(AllPuntland)-Xaflad balaaran oo ay ka soo qeybgaleen mas'uuliyiin ka kala socotay maamul goboleedka Puntland, Isimada, Ganacsato iyo waxgarad kale ayaa gelinkii danbe shalay ka dhacday xarunta cusub ee shirkadda korontada NEC ee magaalada Garoowe, xafladaasi oo aheyd mid xariga looga jarayey xarun cusub oo shirkadda korontada NEC ay ka furtay magaaladan.

 

Ugu horeyntii waxaa xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha shirkadda korontada NEC C/fitaax Maxamed Cabdi (C.Kismaayo) oo warbixin dheer halkaasi ka soo jeediyay, wuxuuna halkaasi ka aqriyay khudbad ka hadleysay waxqabadka shirkadda iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay, isagoo sheegay in shirkadda NEC ay tahay shirkad ganacsi oo u adeegta shacabka ayna ku mideysan yihiin ganacsato fara badan.

 

Guddoomiyaha shirkadda NEC C/fitaax Kismaayo ayaa sidoo kale sheegay in shirkadda NEC maal gelinteeda iney leeyihiin dadka reer Puntland iyadoo markii hore ay ku abuurantay ilaa iyo sadax shirkadooda oo ku midoobay, wuxuuna intaa raaciyay in daarasad la sameeyay lagu soo bandhigay in dhaqaale gaaraya hal bilyan oo dollar ay u baahan tahay shirkadda, lacagtaasoo la helay markii ay shirkaddu ku soo biireen ganacsato kale taasoo sababtay in heerkan ay timaado.

 

C/fitaax Kismaayo ayaa sidoo kale khudbadiisa ku sheegay in qorshaha shirkadda ee horumarinta korontada ayuu sheegay in Golaha milkiilayaasha shirkadda NEC ay isku raaceen in laga faa'iideysto hawada iyo qoraxda, iyadoo taasi ay kala kaashanayaan qubaro dalalka deriska nala ah ka imaanaya, wuxuuna mas'uulkan uu intaa raaciyay in dhaqaalaha shirkadda ay ku tiirsan tahay ay ka helaan inta badan macaamiisheeda, waxayna dowladda Puntland aan ka helnaa buu yiri 50 fuusto, halka habeenkii matoorada shirkadda ay isticmaasho ay ku baxaan lix fuusto, tirada guud ee bisha ay isticmaaleyso shirkaddana uu ku sheegay Guddoomiyaheeda 180 fuusto.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Gen. Cadde Muuse Xersi oo lagu casuumay inuu xariga ka jaro xaruntaasi cusub ee shirkadda NEC ka furtay magaalada Garoowe ayaa soo dhoweeyay isagoo sheegay in shaqada shirkadaasi qabatay ay tahay mid cad oo aan u baahneyn caddeyn, wuxuuna intaa uu raaciyay Madaxweynaha in shirkadda NEC ay tahay shirkad dabooshay baahida koronto ee ka jirta magaalada Garoowe.

 

Cadde Muuse Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kaloo uu sheegay in kan maamul ahaan ay maalmahan ku mashquulsanaayeen sidii loo dhiiri gelin lahaa maamulka shirkadda NEC isagoo ugu mahad celiyay maamulka shirkadda iyo ganacsatadii hal abuurka lahaa howsha ay shacabka u hayaan.

 

Mar uu ka hadlayey Madaxweynaha dhaqaalaha shirkadda ayuu wuxuu sheegay in shirkadda NEC looga baahan yahay in ay lacagaha ka qaato xarumaha dowladda, wuxuuna ku wargeliyay shirkadda in Wasaaraddaha iyo xarumaha dowladda ee bixin waaya lacagaha ay isticmaalaan laga gooyo, taasoo ah kabida dhaqaalaha shirkadda.

 

Ugu danbeyntii waxaa halkaasi ka hadlay mas'uuliyiin uu ka mid yahay Islaan Ciise Islaan Maxamed, Eng. Abshir Muuse oo madax ka ah shirkadda biyaha Baswiin iyo mas'uuliyiin kale oo oo si weyn u soo dhoweeyay xarunta labaad ee shirkadda NEC oo laga furo magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

 

Shirkadda korontada NEC waxaa la aasaasay 20-kii Disembar sanadkii 2002, waxaana ku mideysan shirkado kale oo isu tegay, waxaana shirkadda hada lagu soo kordhiyay xarun cusub taasoo dabooli doonto baahida ay shacabka ku nool magaalada Garoowe oo inta badan nolosha dadka ku nool ay ku tiirsan tahay hadba sida ay u helaan koronto tayo leh.

 

C.M.Cali

AllPuntland, Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Wow. Looking good. One project at a time. You see utlilities are critical infrastructure essential to a number of other endeavors. That being said a utility that costs a whopping $1 billion got me scratching my head!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Good news, power is necessary for everyday life... this plant will generate enought electric power for Garowe, excellent...

 

 

Development and investment is important, Kudos to Puntland...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good news! The mosques of Garoowe will also get free electricity President Cadde promised. This is a great development and a giant leap forward

towards sustained development for the capital city of Puntland State of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in meelo badan oo ka mid masaajidada, xarunta Dawladda hoose iyo jidadka Magaalada in ay siiyaan koronto bilaash ah,waxaanse dawladda ka codsanaynaa in ay shirkada kabana maadaama uu shidaalkii qaali aduunka ka noqday.

NEC8.gifNEC9.gifNEC5.gifNEC2.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this