Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo xasuuq kale ka geysatay Iskuul ay maamusho Qaramada Midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa xasuuq ay xalay Israa’iil ka geysatay iskuulka Al-Fakhura oo ay maamusho hay’ada UNRWA ee Qaramada Midoobay.

Ugu yaraan 60 qof ayaa lagu xasuuqay iskuulka ay ku sugnaayeen kumanaan barakacayaal ah.

Muuqaalada laga soo duubay iskuulka oo ku yaalla xerada / xaafada Jabaliya ayaa muujinaya meydadka shacabka iyo carruurta halkaasi lagu xasuuqay.

Iskuulka Al-Fakhura ayaa ah kan ugu weyn Gaza oo ay gacanta ku heyso UNRWA.

Xasuuqan ayaa imaanaya laba maalmood kadib markii ay hay’ada UNRWA sheegtay in Israa’iil ay weerar ku tahay xarumahooda.

Duqeyn kale oo ay Israa’iil la beegsatay xerada Jabaliya ayaa lagu dilay ugu yaraan 32 qof oo shacab ah oo hal qoys kasoo jeeda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this