Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbullah iyo Israa’iil oo gantaalo is-weydaarsaday xaduuda Lubnaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbullah ayaa ugu yaraan 20 gantaal ku tuurtey deegaanada Galilee ee dhulka Israa’iil heysato ee saaran xaduuda Lubnaan.

Duqeyntan ayaa timid kadib markii Israa’iil ay madaafiic iyo gantaalo ku duqeysay koonfurta Lubnaan, isla markaana burburisay warshad soo-saarta aluminium.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka socda Gaza, waxaa socday duqeynta ay is-weydaarsanayaan Xisbullah iyo Israa’iil.

Israa’iil ayaa dar-dargelisay weerarada ay la beegsaneyso koonfurta Lubnaan iyo dhulka Daanta Galbeed ee Falastiin.

Waxaana la rumeysan yahay in Israa’iil ay qorsheenayso inay duulaano dhulkaasi ku qaado marka ay soo afjarto dagaalka Gaza.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this