Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo safiirkii ugu horreeyay u dirtay waddanka Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa safiirkii ugu horreysay ee ebid u dirtay waddanka Eritrea, waxaana loo magacabay Cumar Idiris, oo hore u ahaa Safiirka Qatar, waxaana waraaqihiisa aqoonsiga ka guddoomay Jimcihii madaxeynaha dalkaas Isaias Afwerki.

“Sharaf ayay ii ahayd in aan noqdo safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u fadhin doona Erirea taariikhda labada dal ee walaalaha ah.” ayuu danjire Cumar Idiris ku yidhi qoraal kooban oo u soo dhigay bartiisa X ee hore loo odhan jiray Twitter.

Wasiirka warfaafinta Eritreal ayaa sheegay in Cumar Idris uu ka mid ahaa 17 danjire oo uu madaxweyne Afwerki ka guddoomay warqadaha aqoonsiga Jimcihii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this