Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabsi ka jirta magaalada Garoowe iyo dadka qaar oo ka Barakacay xaafadahoodii

Recommended Posts

Deeq A.   

Warrarka ka imaanaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo ah kuwa dawladda oo ka yimid Boosaaso ay soo gaareen halkaas, xili ay sii kordhayso baqdinta la xidhiidha in rabshado ka dhashaaan muranka doorashada ee ka taagan Puntland.

Sawirro ay Somalilandtoday heshay ayaa muujinaya dad ka qaxaya xaafaddaha qaar, iyadoo badi iskuullada la xidhay sida uu ku soo waramayo weriyeyaasha ku sugan magaalada Garoowe.

Garoowe waxa hore ugu sugnaa ciidamada Danab oo ka soo horjeeda qorshaha dawladda ee ah in doorashada loo qabto hannaanka ay u soo jeediyeen guddiga doorashooyinka Puntland iyo ciidamo beeleedyo kale oo dhammaantood ku eedeynaya Madaxweyne Dani in uu doonayo in uu waqtiga korodhsado.

Qaabka loo qabanayo iyo waqtiga Doorashada Puntland ayay ku kala aragti duwan yihiin madaxda dawladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka, wuxuna midba mid kale ku eedeynayaa in uu dastuurka ku xadgudbay.

947dacc1-c155-4912-8ff1-6cbabbe27907.jpg 402338708_930820445099416_10284529782815 402455930_930820471766080_25094651294025 402635014_930820511766076_61579323217961

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this