Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha guurtida oo arimaha doorashooyinka u xulay 15 xubnood

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa(Qaran news)-Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta guddi ka kooban 15 Xildhiabaan u saaray ka soo talo bixinta xeerarka isa saarka Doorashooyinka Qaranka, kaasi oo kasoo gudbay golaha wakiillada.

Fadhigii saaka ee golaha guurtida oo uu shir-gudoominayay gudoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Gudoomiye ku xigenka golahaasi Mudane Siciid Jaamac Cali, ayaa markii uu furmay waxa uu guddoomiyuhu ku wargeliyay golaha in guddi 15 xildhibaan ah loo saarayo xeerarka isa saarka Doorashooyinka, kuwaasi oo soo naaqishi doona xeerarkaasi.
Intaasi ka dib waxa guddida 15 Xildhibaan ah mudanayaasha ka hor akhriyay guddoomiye ku xigeenka golaha guurtida Mudane Siciid Jaamac Cali.
Liiska magacyada guddida 15-ka Xildhibaan ayaa waxa ay kala yihiin sidan:-
Gudoomiye :Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble
Xildhibaan Cawil Cismaan Maxamuud
Xildhibaan Cabdiqadir Maxamed Xasan
Xildhibaan Ibraahim Muxumed Aw-axmed
Xildhibaan Cumar Nuur Xasan Waaye
Xildhibaan Axmed Maxamed Cabdi Shide
Xildhibaan Maxamed Ducaale Qurux
Xildhibaan Sahal Iidle Dirir
Xildhibaan Cabdikariim Sheekh Cumar Furre
Xildhibaan Axmed Xaaji Cabdikariim Xuseen
Xildhibaan Ismaaciil Saleebaan Yuusuf
Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Gaax-nuug
Xildhibaan Daahir Cali Jaamac
Xildhibaan Axmed Sheekh Yuusuf Sheekh Nuu
Xildhibaan Mustafe Xaaji Maxamed Daahir
Intaasi kadib Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland ayaa faray guddida naaqishaada xeerarka isa saarka Doorashooyinka inay ka soo baaraan dagaan masuuliyada xeerarkaasi muddo saddex cisho ah, isla markaasi ay ku soo celiyaan golaha maalinta Arbacada ah, si goluhu waajibaadkiisa uga guto.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this