Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo markii u horraysay safiir u magacowday dalka Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-0a00-0242-823b-08dbe8b8c839_cx0

Dowladda Soomaaliya ayaa safiirkii ugu horreysay ee abid u dirtay waddanka Eritrea sida uu xaqiijiyay wasiirka Warfaafinta Eritrea.

Cumar Idiris, oo horey u ahaa danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Qatar ayaa loo magacaabay safiirka cusub Eritrea  waxaana waraaqihiisa aqoonsiga ka guddoomay  madaxeynaha dalkaas Isaias Afwerki.

“Sharaf ayay ii ahayd in aan noqdo safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u fadhin doona Erirea taariikhda labada dal ee walaalaha ah.” ayuu danjire Cumar Idiris ku yiri qoraal kooban oo u soo dhigay bartiisa X ee hore loo dhihi jiray Twitter.

Wasiirka warfaafinta Eritreal ayaa sheegay in Cumar Idris uu ka mid ahaa 17 danjire oo uu madaxweyne Afwerki ka guddoomay warqadaha aqoonsiga Jimcihii.

Eritrea ayaa ciidamo kumannaan ah u tababarta Soomaaliya kuwaasi oo iskugu jira cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo kuwa gaarka ah ee dhulka, badda iyo cirka.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo markii u horraysay safiir u magacowday dalka Eritrea appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this