Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal beeleed xooggan oo ka socda degaanka Sheerbi ee gobolka Karkaar

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal beeleed xooggan ayaa saaka ka socda degaanka Sheerbi oo ka tirsan degmada Waaciye ee gobolka Karkaar.

Khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh ayaa laga soo werinayaa dagaalka labada beelood oo weli halkaasi ka socda.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex ruux ku geeriyoodeen dagaalka socda halka in ka badan shan kalena ku dhaawacmeen.

Sidoo kale waxa xanniban isu socodka gaadiidka rakaabka ah iyo kuwa xamuulka qaada ee laamiga dheer kadib markii uu saamayn ku yeeshay dagaalka Sheerbi.

PUNTLAND POST

The post Dagaal beeleed xooggan oo ka socda degaanka Sheerbi ee gobolka Karkaar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this