Sign in to follow this  
Deeq A.

Finland oo joojinaysa Muhaajiriinta uga yimaada dhinaca Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-0a00-0242-8a4f-08db3dd7aa8e_w40

Dowlaada Finland ayaa maanta oo Sabti ah xirtay afar barood oo ku yaal xadka ay la wadaagto Ruushka iyadoo doonaysa in ay joojiso qulqulka dad magangelyo-doon ah oo ay sheegtay in Moscow ay ka danbeyso.

Finland waxa ay ku eedaysay Ruushka in uu dadka soo galootiga ah u soo dirayo Finland si uu uga aarsado go’aanka ay Finland ku kordhisay iskaashiga difaaca ee ay la leedahay Mareykanka, balse eedeyntaasi Ruushku wuu beeniyay.

Ilaa 300 oo magangalyo doon ah oo u badan Ciraaq, Yemen, Soomaaliya iyo Suuriya ayaa gaaray Finland toddobaadkan, sida ay sheegeen ilaalada xuduudaha.

Laga bilaabo maanta oo Sabti ah, dadka magangelyo-doonka ee ka imaanaya Ruushka waxaa kaliya loo oggolaan doonaa in ay codsiyadooda ku gudbiyaan labada barood ee Salla iyo Vartius oo iyagu ah kuwo weli furan.

PUNTLAND POST

The post Finland oo joojinaysa Muhaajiriinta uga yimaada dhinaca Ruushka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this