Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Calm no reports of fighting...civilians

Recommended Posts

Dadka rayidka ah oo ka qaxaya Caasimada Somalia

 

Mogadishu 26 May. 06 ( Sh.M.Network) Waxaa Saakay wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho lagu arkayay dad rayid ah oo ka qaxaya dagaalada ka qarxay caasimadda, iyadoo gaadiidka Bl ka ahna uu yaraaday.

 

Qoysas alaabo iyo caruurtooda gacmaha ku sita oo ka cararaya dagaalada

 

Dadka oo ka qaxaya xiisadaha dagaal ee ka oogmay caasimadda

 

Qoysas caruur gacmaha ku sito oo ka qaxaya dagaalada ka qarxay Muqdisho

 

Boqolaal dad ah oo raxan raxan u socda gacmahana ku sita Caruur ayaa lagu arkayay Isgoyska Isbital Banadir ee K/Muqdisho, kuwaasi oo doonaya in ay u qaxaan dhinaca degmada Afgooye si ay uga fogaadaan dagaalada u dhaxeeya Midowga Maxkamadaha iyo isbaheysiga la dagaalanka argagixisada.

 

Dagaaladii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanada KM, Deyniile, Galgalato ayaa sababay qasaaro nafeed oo ka badan 30 ruux halka tiro ka badan 300 oo kalena uu dhaawac soo gaaray, kuwaasi oo intooda badan ahaa dad rayid ah oo madaafiic iyo Hoobiyeyaal ay ku habsadeen.

 

Dagaaladii ka dhacay Degaanka Deyniile iyo Galgalato ayaan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee dagaaladaasi ay geesyteen, iyadoo wararka saakay laga helayana ay tilmaamayaan in aanu wax guulo ah lagu kala gaarin dagaaladii ka dhacay deegaanka Gal-galato, oo wali la isku horfadhiyo.

 

Madfac ku soo dhacay xalay deegaanka Sos ee magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimashad 10 ruux oo hal mel wada Joogay, iyadoo madfacaasi uu ka soo dhacay dhinaca Gal-galato.

 

Dhinaca kale warar xog ogaal ah oo laga helay magaalada Jowhar ayaa waxa ay tilmaamayaan in 12 ruux shalay looga dhaawacay Maleeshiyada Max'ed Dheere dagaaladii ka dhacay Gal-galato.

 

Shabelle Media Network, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii ugu danbeeyey ee Muqdisho iyo Maxkamadaha oo ku jira diyaar-garow

Last Updated::2006-05-26 14:05:58

 

Muqdisho:- Maleeshiyooyinka Midowga Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho ayaa wada dhaq dhaqaaq iyo hub arursi ay ugu diyaar garoobayaan weerar uga yimaada dhinaca Isbaheysiga.

 

Maleeshiyooyinka Maxkamadaha ayaa si weyn loogu arkayaa nawaaxiga deegaanadii ay shalay dagaaladu ka dhaceen ayadoo ay socdaan diyaar garow xoogleh oo ay wadaan saraakiisha Midowga Maxkamadaha.

 

Mar ay HorseedNet xiriir la sameysay qaar kamid ah hogaamiyaaha Maxkamadaha ayey ka gaabsadeen in ay wax faah faahin ah ka bixiyaan dhaq dhaqaaq ay wadaan, balse sheegay in ay diyaar u yihiin dagaal kale oo ay la galaan Isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada.

 

Maleeshiyooyinka Maxkamadaha ayaa ayagu dhiirgelin u noqotay guulo ay shalay ka gaareen dagaalkii ka dhacay Koonfurta Muqdisho.

 

Maleeshiyooyinkaani ayaa gacanta ku dhigay Hotel Saxafi oo uu lahaa ganacsade C/rishiid Ilqeyte oo kamid ah Isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada.

 

Midowga Maxkamadaha ayaa sidoo kale la wareegay illaa iyo inta u dhaxeya Airporka iyo KM4 ayadoo halkaasi si weyn dib loogu riixay maleeshiyooyinka Isbaheysiga.

 

Dhinaca Isbaheysiga ayaa ayagu laftooda sheegtay in ay guulo waaweyn kasoo hooyeen dhinaca waqooyi ee magaalada, ayagoo markaasi sheegtay in ay hada gacanta ku hayaan jidka isku xira deegaanka Galgalato iyo Xamar, balse warkaasi ayey beeninayaan maxkamaduhu.

 

Isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada ayaa asagu sheegay inuu dib u hanan doono goobihii laga qabsaday, ayagoo markaasi sheegay in ay khasab tahay in ay magaalada ka saaraan waxa ay ugu yeereen argagaxisada.

 

Xaalada xaafada Siisii ayaa ayaduna si weyn looga soo deyrinayaa ayadoo ay xalay halkaasi ka dhaceen dagaalo labada dhinac ay isaga horyimaadeen.

 

Maleeshiyooyinka maxkamadaha oo shalay ayagu soo baneeyey qeybo kamid ah Xaafada Siisii ayaa shalay makhribkii weerar kale ku qaaday xaafada Siisii oo qeybo kamid ah la wareegeen Isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada.

 

Khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ee Xaafada Siisii ayaan la ogeyn ayadoose la sheegay in dhaawacyo iyo dhamashaba ay jiraan.

 

Koonfurta magaalada Muqdisho ayaa maanta ka degan sidii shalay, balse waxaa hawada ku jirta cabsi iyo dhiilo colaadeed, ayadoona labada dhinac u muuqdaan kuwo isu diyaarinaya iska horimaad horleh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this