Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamaas oo sheegtay inay diyaar u tahay dagaal-daba-dheeraada!

Recommended Posts

Deeq A.   

Hogaamiyaha Garabka Siyaasadda ee Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay inay isu diyaariyeen dagaal daba dheeraada oo ay la galaan Israa’iil.

Wuxuu sheegay in Israa’iil ayna gaadhin wax guul militari ah, marka laga reebo duqeyta goobaha shacabka.

Duqeynta Israa’iil ayaa la sheegay inay burburiyeen in ka badan 48% guryaha iyo daaraha ku yaalla Gaza.

Haniyeh ayaa sheegay in garabka militari ee Xamaas muddo dheer u tababusheysanyeen halgan dheer oo ay la galaan gumeysiga Israa’iil.

Xamaas ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin dhankooda dhaqan gelinta xabad joojinta ay ku baaqeen dalalka Islaamka iyo Carabta.

Dhinaca kale afhayeenka Xamaas ayaa beeniyey muuqaaladii ciidamada Israa’iil ku sheegeen in hub laga helay cisbitaalka al-Shifa.

Afhayeenka ayaa soo bandhigay sawiro muujinaya kartoono ay siteen ciidamada Israa’iil markii ay cisbitaalka galayeen.

Kartoonadaasi oo ahaa kuwii ay ku jireen hubka qoryaha fudud oo ay Israa’iil sheegtay inay ka dhex heshay cisbitaalka ugu weyn Gaza.

Warbaahinta Militariga Israa’iil ayaa ku fashilantay qaar kamid ah Sawirada iyo muuqaalka ay baahiyeen oo ay ku sheegeen hubka iyo qalabka ay ka heleen Al-Shifa.

Waxayna Baraha Bulshada shalay ka saareen qaar kamid ah Muuqaalada kadib markii ay soo baxday inay been abuur ahayd.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this